Xukuumadda JSL oo Dawlada Muqdisho ku Eedaysay Dagaalka ka Socda Deegaanka Qori-lugud

Hargeysa (Dawan) Xukuumada Somaliland ayaa ciidamada SSC Khaatumo ku eedaysay in ay weerar ku soo qaadeen dadka deegaanka Qorilugud, dagaalkaas oo khasaare gaystay ayaa galay maalintii labaad.

War kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Guddaha ayaa lagu sheegay in ciidamo huwan ah iyo kuwo xagjir ah oo ku sugan bariga Sool ay soo weerareen dadka deegaanka, balse ay iska difaaceen ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland.

โ€œKooxaha Huwanta iyo argagixisada bari magaalada Laascaanood ayaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Qorilugud maalintii khamiista iyagoo dadka degaanka iyo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somalilandna kala kulmay dhirbaaxo kulul iyo khasaare baaxadleh oo soo gaadhay Kooxaha huwanta ahโ€ ayaa lagu yidhi warka.

Geesta kale warku waxa uu intaa ku daray in shalay ay mar labaad weerar kusoo qaadeen degaanka Shan-geed ee u dheexaya magaalooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle, isla markaana ay markale la kulmeen jab. โ€œDagaalkan ayaa ah mid ay soo abaabushay kana soo shaqaysay Dawladda ka dhisan Muqdisho, iyada oo ku doonaysa in lagu dhaawaco hanaanka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo maalmo koobani ka hadhsan yihiinโ€

Gaba-gabadii waxa warka lagu yidhi โ€œCiidamada Somaliland diyaar ayay u yihiin difaaca Somaliland iyo cadowkasta oo isku daya in uu is hortaago horuumarka iyo doorashooyinkaโ€.

Dagaalkan oo galay maalintii labaad ayaa shalay subixi dib uga qarxay deegaanka Shan-geed ee u dhaxeeya Buuhoodle iyo Qorilugud, dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada SSB iyo Ciidamada SSC Khaatumo oo dhinaca kale ah.

 

 

xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com