Maxaa U Qabsoomay Isku-duwaha Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Ee Gobolka Togdheer ?

Burco (WHB) – Xafiiska Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim, ayaa Labadii Bilood ee u dambeeyay dardar-geliyey hawlaha uu qaabilsan yahay.

Isku-duwe Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim, ayaa markii la Magacaabay wuxuu bilaabay inuu soo celiyo xidhiidhka Xafiiska Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer iyo Hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya Horumarinta Beeraha iyo Beeralayda.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa Isku-duwaha iyo Hawl-wadeennada kale ee Xafiiska Wasaaraddu dardar-geliyey sidii ay Beeralayda Gobolku u heli lahaayeen Siidhadh, Qalab iyo Saacado qodaal ah, iyagoo kaashanaya Hay’adaha gargaarka, taasi oo hirgashay.

Sidoo kale, Hawl-wadeennada WHB ee Gobolka Togheer ay fuliyeen intii lagu jiray bisha April, 2023 tababbarro ay siiyeen Beeralayda, iyaga laftooduna waxay ka qayb qaateen tababbarro, iyagoo kaashanaya Hay’adaha.

Tusaale ahaan, Hay’adda GIZ oo kaashanaysa shaqaalaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Togdheer waxay qabteen tababbar ku saabsan habka wanaagsan ee wax loo beerto (GAP Training).

Sidaas oo kale, Bisha May waxa Qorshaysan Tababbar ay Hay’adda GIZ u qabanayso 120 ka mid ah Beeralayda Gobolka Togdheer iyo Tababbar la siinayo Shaqaalaha Xafiiska Gobolka Togdheer ee Wasaaradda Beeraha oo uu hoggaaminayo Isku-duwe Cabdirisaaq.

Sidoo kale, Hay’adda ADO, ayaa laba ka mid ah shaqaalaha Magaalada beer ugu qabatay Tababbar ku saabsan siidhka tayada leh, waxaana jira Hay’ado kale oo qorshaynaya inay gobolka ka taageeraan waxyaabaha ay u baahan yihiin beeralaydu.

Waxaa kale oo Wasaaradda beeraha ee Gobolka Togdheer oo kaashanaysa Hay’adda World vision ka wada shaqeeyeen qaybinta siidh ka kooban lix nooc, qalab ka kooban shan nooc, Majarafado, Madaraqyo, Yaambo, faralay iyo kaaryoonayaal ay la socdaan saacado qodaal ah, waxaana loo qaybiyay Beeralayda labada tuulo ee Boodhley iyo Booraamo, waxaana Tuulo walba la siiyey 100 Qoys oo ka mid ah, waxaana jiri doona saacado qodaala iyo Siidh dhamaan gobolada somaliland lagu qaybin doono, sida uu Qorsheeyay Wasiirkaa Wasaaradda Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame.

Sidoo kale, Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer Cabdirisaq Cabdilahi wuxuu la kulmay Gudoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Togheer, Mustafe Sheekh Maxamuud, waxaanu kala hadlay sidii ganacsatada loogu dhiirigalin lahaa inay gobolka togdheer wax ka beertaan, iyo in la dhiiri galiyo ganacsatada iyo qurba jooga dalkooda wax kala soo baxaya, isagoo isuduwahu kormeer ku soo sameeyay beero ay maal-gashadeen qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Togdheer si uu u dhiiri galiyo ganacsatadaas.

Isuduwuhu waxa oo uu ka shaqeeyay xalinta khilaafaadka beeralayda iyo dhulka la isku haysto.

Ugu dambayn, wuxuu isuduwaha Beeraha ee gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdilaahi uu ku wacyigalinayaa beeralayda in xili roobaadka dhulka la Beero oo wax lagala soo baxo, ka Wasaarad Beero ahaana ay garab taagan yihiin, waxna la qabanayaan.
………………
Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland