Maxamed Cabdillaahi oo maanta lagu soo dhawaynayo Hargeysa, muxuuse daaran yahay safarkiisu?

Gaadiid badan iyo dadweyne tiro badan ayaa maanta isku shubay Maddaarka Cigaal ee Hargeysa si ay u soo dhaweeyaan Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la sheegay in uu 10.00-ka subaxnimo ee saaka dalka ku soo guryo-noqonayo.

Dr. Maxamed Cabdillaahi ayaa xilkiisa wasiirnimo waayey bishii April 2014 kadib markii uu la saftay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi wakhti guddoomiyaha iyo madaxweyne Siilaanyo ay ku loollamayeen murashaxnimada xisbiga.

Ujeeddada safarka Maxamed Cabdillaahi ayaan weli caddayn.

Iyadoo la wada magacaabay xilalkii ay banneeyeen xubnihii dhawaanta is casilay uma badna soo noqoshada Dr. Maxamed Cabdillaahi in uu xil soo doontay, hase ahaatee waxa ay u badan tahay in uu danaynayo in uu door muhiim ah ka qaato qabanqaabada shirka Kulmiye maadaama uu saaxiibkii Muuse Biixi Cabdi uu haatan middida daabkeeda hayo isla markaana ay u badan tahay in uu isagu murashaxnimada xisbiga hantiyo 10-ka November.

Markii uu iscasilay Maxamed Biixi Yoonis waxa ay warbaahinta qaar daabaceen in mar kale loo magacaabayo Wasiirka Arrimaha Dibedda. Waxayse taasi meesha ka baxday markii jagadaas loo magacaabay Dr. Sacad Cali Shire.

Maxamed Cabdillaahi oo intii ugu dambaysay ahaa diblomaasi u shaqeeya Midowga Afrika iyo Midowga Yurub weli lama oga in uu shaqadiisii iska soo casilay iyo in uu fasax soo qaatay.

Dadka aqoonta dhaw u leh Maxamed Cabdillaahi waxa ay ku tilmaamaan nin aad u jecel siyaasadda Somaliland, sidaas daraadeedna shaqada uu hadda ka hayo Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay ku-sii-sug uun u tahay.

Maxamed wuxu xukumadda Kulmiye la shaqaynayey saddex sanno iyo dheeraad. Wuxu Somaliland ka soo qabtay xilalka Wasiirk Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Ka hor wasiirnimadiisa, wuxu muddo dheer ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye wakhtigii uu xisbigani ahaa mucaaridka.

bandhige@gmail.com