Colaada Suuriya oo gashay waji kale iyadoo uu dhammaaday shirkii looga arrinsanayey

Shirka waddamada taageera garabyada ku dagaalamaya Suuriya ayaa soo gabagabooyey iyadoo ay sheegeen in la gaadhay qodobo dhowr ah oo la doonayo in ay Qaramada Midoobay u diyaarin lahayd sidii ay loo dhisi lahaa dawlad ay ku midaysan yihiin mucaaridka iyo dawladda.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa waxa uu ka digey in qorshaha Maraykanku doonayo in uu ciidamo gaar ah ugu dirayo waqooyiga Suuriya ay kordhin karto khatarta ah in dagaal hor lehi ka bilaabmo gobolka.

Lavrov ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay wada-shaqaynta ciidamada Ruushka iyo Maraykanka ee aan loo baahnayn in ciidamo kale oo dheeraada ah.

Inkastoo wada-hadalada Fiyeena lagu gaadhay in xabad joojin laga gaadho colaada Suuriya, balse waddamada ka qayb galay shirka ayaa waxaanay ku heshiin mustaqbalka Madaxweyne Asad, balse Lavrov ayaa sheegay in ay u taal go’aanka soo noqoshada Asad dadka Suuriya.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa isaguna qaba in aanu Madaxweyne Asad wax saamayn ah u yeelan mustaqbalka dambe ee Suuriya.

bandhige@gmail.com