Maxamed Jaamac Abgaal wuxu sheegay in uu sharaxan yahay, wuxuna u duur-xulay Madaxweyne-Xigeenka

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa shalay ku dhiiraday in uu sheego in uu u sharaxan yahay jagada Madaxweyne-Xigeenka Kulmiye iyadoo muddooyinkii u dambeeyey aanay muuqan cid ku cidhiidhinaysa xilkan madaxweyne-xigeenka hadda xilka haya Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.”

“Socon mayso in uu (madaxweyne-xigeenku) yidhaa labada nin hadba kii soo baxa ayaan madaxweyne-xigeen u noqonayaa. Waa la tartamayaa mana jirto kursi cid gaar ah u xidhan” ayuu yidhi Abgaal oo sida muuqata ula jeeda Cabdiraxmaan-Saylici.

Is-sharaxaadda Abgaal waxa ay ku soo beegmaysaa waxkhti ay cirka ku shareeran tahay xaraaradda loollanka ka dhex socda xisbul-xaakimka Kulmiye iyada oo la filayo shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye in uu qabsoomo 10-ka November 2015, wakhtigaas oo ay innaga xigto wax ka yar bil.

Hase ahaatee waxa ay dad badani is weydiinayaan ilaa inta ay dhab ka tahay murashaxnimadu Abgaal, maadaama xanta jirtaa ay tahay in tirada ugu jirta Golaha Dhexe Kulmiye ugu jirta gobolka Awdal uu markii hore soo xulay Cabdiraxmaan Saylici haatana uu isagu gacanta ku hayo. Sidoo kale waxa la is weydiinayaa ilaa xadka u tartankan oo mid adag noqon doona Abgaal u diyaarsan yahay dhaqaale ahaan iyo saamayn ahaan.

Ilaa iyo hadda Abgaal waa murashaxii koowaad ee gobolka Awdal ee shaaciya in uu la sharaxan yahay Saylici. Lama oga in ay qaar kale ku soo biiri doonaan iyo in kale.

Dhinaca madaxweynenimada waxa inta la og yahay sharaxan guddoomiyaha hadda xilka haya Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaan Kijaandhe.

Loollanka Kulmiye ka dhex socda ayaa ahaa hadal-haynta ugu badan ee dadweynaha maalmihii la soo dhaafay.

Bandhige@gmail.com