Diyaraddii Malaysiya MH17 ee ay ku naf waayeen 298-ka qof oo maanta warbixinteedii la soo bandhigayo

Diyaaraddii Malaysia ee MH17 ee ku burburtay bariga Yukrayn 14kii July 2014 ayaa maanta la soo bandhigayaa warbixin ka dhalatay baadhitaano socday sannad iyo dheeraad. Warbixintan ayaa la filayaa in ay muujiso sababtii dhabta ahayd ee keenay burburka diyaaradda.

Tibaaxaxaha hordhaca ahi waxa ay muujinayaan in diyaaradda ay burburisay walax dad-samee ah oo dusha kaga timid.

Xukuumadda Yukrayn iyo reer Galbeedku waxa ay burburka diyaaraddan ku eedeeyeen gooni-goosatada bariga Yukrayn oo ay sheegeen in gantaal halis ah oo ay dhulka ka ganeen uu diyaaraddaas galaaftay.

Hase ahaatee Ruushka iyo jabhadda ka dagaalanta Bariga Yukrayn ayaa ku dooddaya in diyaaradda uu soo riday gantaal ay soo ganeen ciidamada Yukrayn.

Uma badna in warbixintani kala saari doonto labada dhinac ka gaantaalka riday, waxayse ku koobnaan doontaa waxa sababay in diyaaraddani dhulka ku soo dhacdo.

Dadka diyaaradda saaran ayaa u badnaa aqoonyahan ku socday aqoon-is-waydaarsi caafimaad oo ku qabsoomayey Malaysiya. Netherland keligeed waxa kaga jiray 196 Dutch ah, halka Ingiriiskana ay kaga jireen 10 qof.

Baadhitaankan oo xukuumadda Dutch-ku gacanta ku hayso waxay diirradda saari doontaa afar arrimood:

  • Maxaa sababay in diyaaraddu ay qurubyo u kala go’do iyadoo hawada ku jirta
  • Maxaa sababay in diyaaraddu dul duusho hawo uu dhulkeeda dagaal ka socday
  • Maxaa sababay in ehelada iyo asxaabta dadkii geeriyooday ay sugaan afar maalmood si loogu xaqiijiyo geerida kuwii ay jeclaayeen
  • Intee in leeg ayay rakaabka iyo shaqaalaha diyaaraddu ka war-qabeen wixii dhacayey daqiiqadihii ugu dambeeyey.

Warbixinta marka hore waxa loo bandhigayaa dadkii dadkoodu diyaaraddan ku geeriyoodeen. Marka dambena waxa loo bandhigi doonaa Malaysia oo diyaaradda laga lahaa, marka saddexaad-na waxa loo bandhigi doonaa dadweynaha dunida.

Bandhige@gmail.com