Qisada maxbuus 40 sanno xidhnaa oo la sii daayey iyo la-yaabka uu kala kulmay nolosha cusub

 

Otis Johnson waa nin muslim ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Maraykan Madow. Nasiibkiisu wuxu noqday in noloshiisa intii ugu badnayd uguna qiimaha badnayd uu ku qaato xabsiga. Wuxu ka laacay 40 sanno oo soolane ah. Hadda da’diisu waa 69 jir, wuxuna xor ahaa oo kaliya isaga oo dhallin ah iyo isaga oo da’ ah.

Sannadkii 1975-kii ayaa iftiinka ugu dambaysay. Wakhtigaas da’diisu waxay ahayd 25 jir. Waxa lagu eedeeyey laguna helay isku-day-dil oo uu la beegsaday sarkaal boolis ah.

Markii xabsiga laga sii daayey 2014-kii, waxa la siiyey laba tigidh oo uu bas ku raaco iyo $40, waxana lagu yidhi dadkaaga dhinac ka raac. Ayaan-darro Johnson 40kii sanno ee uu xidhnaa waxa ay kala xidhiidh furteen cid kasta oo ay wax isku ahaayeen. Cid kastaa waa ay ilawday, isaguna cid kasta wuu ilaaway. Hase ahaatee waxa ciirsi u noqday urur samofal ah oo la yidhaa Fortune Society shaqadiisuna tahay in uu hoy iyo cunto siiyo dadka tobannaanka sanno xidhnaa inta ay mar kale nolosha la qabsanayaan.

Arrinta la yaabka leh isla markaana xiisaha lihi waxa weeyi sida ay noloshu isku beddeshay intii uu xidhnaa, gaar ahaan sida uu dabciga aadamuhu isku beddelay.

40 sanno xabsi2
Johnson wuxu fadhiistaa faras-magaalaha New York si uu u indho-indhooyo waxa ay u eg tahay nolosha uu u soo baxay

Johnson maadaama uu bilaa-camal yahay wuxu maalinimada soo fadhiistaa faras-magaalaha New York. Dadka dhaafayaa waxa badankooda dhagaha ugu jira xadhko (sameecadaha telefoonka iyo aaladaha kale ee tiknoolojiga), wejigooda badankoodu wuu xidhan yahay, waa ay wada degdegsan yihiin, cidina cid lama hadlayso.

“Dadku intii aan xabsiga ku jiray ma wada basaasiin bay noqdeen, waa maxay waxan dhagaha ugu wada jira iyo sidan ay u dhaqmayaan” ayuu yidhi Johnson.

Markii uu yaraa ee uu xoogga ahaa Johnson riyadiisu waxa ay ahayd in uu dhiso dhismeyaal ay si gaar ah uga faa’iidaysan karaan haweenku, welina wuxu doonayaa in uu riyadiisii sii wado, laakiin riyadaasi waxa ay u muuqataa mid rumaynteedu ay aad u adag tahay. Sababtoo ah ma laha dhammaan shuruudihii ay bangiyadu wax ku ammaahinayeen, isaguna ma haysto raasamaal meel u yaal. Raasamaalku haba joogee, cuntadiisa iyo sariirtiisuba waxay ku xidhan yihiin gacan bani’aadam.

Johnson 40 sanno xadhig
Johnson, qofka 2aad ee bidixda, ka hor intii aan la xabbisin

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Johnson wuxu wakhtigiisa inta badan hadda ku qaataa daahfuridda waxa ka jira dunidan uu muddada dheer u jeelay. Wuxu meeraystaa dariiqyada iyo suuqyada New York, wuxuna sariirtiisa ku laabtaa 9-ka habeenimo sida uu yahay sharciga ururka ay noloshiisu ku tiirsan tahay. Weli ma kala hubo xoriyadda uu helay iyo xabsigii uu ku jiray midka u roon. Wuxuse sheegay in uu muddo dhow kala ogaan doono walow aanu fursad u heli doonin in uu xabsigii ku laabto xataa haddii ay noloshan xorriyadda ahi ka hoos marto tii xabsiga.

Johnson 40 sanno xadhig2
Otis Johnson oo teeb garaacaya ka hor tintii aan xabsiga loo taxaabin

Madaxweyne Barack Obama ayaa beryihii ugu dambeeyey aad ugu mashquulsanaa sidii wax looga beddeli lahaa hannaanka ay u shaqeeyaan xabsiyada Maraykanku, isagoo ku dedaalaya sidii loo heli lahaa shuruuc oggolaanaysa in marka qofku jeelka ka soo baxo lagu saacido sidii uu nolosha ula qabsan lahaa. Gaar ahaan in qofka la siiyo hoy, tabobarro shaqo, isla markaana shaqo lala raadiyo inta ka horraysana quutal-daruurigiisa meel la saaro iyo in sidoo kale laga caawiyo sidii uu uga badbaadi lahaa qulub hor leh oo uu ka qaado la-qabsi la’aanta nolosha cusub.

Xigasho: Aljazeera