Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Jabuuti lana kulmay dhiggiisa dalkaas

Sida ku dhigan war-saxaafadeed makhribkii na soo gaadhay,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Sacad Cali Shire oo safar shaqo ku jooga Jabuuti ayaa halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey isagoo la kulmay dhiggiisa dalkaa.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan:

Waxa shalay qado-sharaf soo dhawayn iyo is barasho ah ku qaabilay wasiirro tiro badan oo uu hor kacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxana ka mid ahaa wasiirrada kale Wasiirka Cadaaladda Cali Faarax Casoowe, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aden Xasan Aden, Wasiirka Kharashka Boodeh Maxamed Rooble iyo sidoo kale Danjiraha jabuuti u qaabilsan Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya jabuuti Maxamed Warsame Cali.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa uga mahadceliyay dawladda Djibouti soo dhawaynta diirran iyo hab maamuuska ay ku qaabileen.

Sidii uu qorshuhu ahaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf waxanay labada masuul ka wada hadleen sii-xoojitna cilaaqaadka labada dal ee jaarka iyo saaxiibka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah oo kulankaas kadib warbaahinta ugu waramay xarunta Safaaradda Somaliland ee Jabuuti ayaa sheegay in ujeeddada kulankani daaranayd sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada nabadgelyada iyo iskaashiga guud maadaama uu Wasiir cusubyahay. Waxa sidoo kale, wasiirku sheegay in safarkiisa Jabuuti uu qayb ka ahaa dardargelinta hawlaha labada safaaradood oo dib u habayn iyo is bedel weyn lagu sameey

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Mudane Maxamed Warsame Cali ayaa isaguna uga mahadceliyay dawladda Djibouti soo dhawaynta wasiirka iyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee labada dal. Waxa kale oo uu Danjiruhu ka hadlay in mudadii uu xilka hayay ay safaaraddu is bedel weyn samaysay oo sida uu Wasiirku xadhiga ka jaray ay haatan si rasmi ah oo dhamaystiran hawshooda u bilaabeen.

Xogyahaya 1aad ee Safaaradda Somaliland ee Jabuuti Axmed Aden Suge oo isagu warbaahinta u faahfaahiyay waxqabadka safaaradda iyo sida dib u habaynta loogu sameeyay ayaa sheegay in safaaraddu hore ugu shaqayn jirtay hal xafiis oo kaliya balse ay haatan leeyihiin 8 xafiis oo si dhamaystiran u qalabaysan, 3 gaadiid ah oo laba cusubyihiin iyo guriga martida loo sameeyay oo isaguna si heer sare ah u goglan.

Xoghuhu wuxu tilmaamay Danjiraha Safaaradda Mudane Maxamed Cali Warsame uu dardar dheeraad ah iyo firfircooni shaqo u la yimi, waxqabad weynna la muujiyay mudadii uu xilka hayay iyadoo la kaashanayo dawladda Djibouti, jaalliyadda Somaliland ee Djiboui iyo Wasaaraddaba.