Maxkamadda Berbera ayaa xukun ku ridday laba weriye oo ay dacwadi ka dhaxaysay maayarka

 

Maxkamadda Degmada Berbera, ayaa xukunno ku ridday laba wariye oo hore Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin soo dacwayeeyey.

Maxkamada ayaa weriyaasha Ku xuntay mid 7-bilood oo Xadhig, labadan wariye ayaa kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cigge oo ka hawlgala Saab Tv, xaruntiisa Berbera iyo Axmed Siciid Maxamed oo isna ka hawlgala Television Eryal.

Somaliland waxaa xabsiyada ku xidhan shan suxufi oo xukuno maxkamado ku dhaceen, kuwaasi oo ku xidhan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama.

Xigasho: dalmarnews.net