Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay lix sanno ku xukuntay mid ka mid ah kooxdii fulisay qaraxii Jabuuti

 

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa toddobaadkan Lix sano oo xadhig ah ku riday mid ka mid ah kooxdii ka danbaysay qaraxii kooxda Alshabaab u gaysatay dalka Jabuuti.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdisamad Maxamed, isla markaana laga soo qabtay Gobolka Sool, ayaa lagu helay in uu shandadii ay ku jireen Suumamkii ay isku qarxiyeen Ninkii iyo gabadhii fuliyey qaraxii Jabuuti.

Cabdisamad ayaa maxkamadda iyo Booliiska u qirtay in shandada Suumamka ah ee lagu qarxiyey qaar ka mid ah Jabuuti looga soo dhiibay magaaladda Laascaanood, isla markaana uu gacanta ka galiyey ninkii loogu soo dhiibay oo ay hore xukuumadda Somaliland ugu wareejisay Dalka Jabuuti.

Sidoo kale, waxay Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa dhagaysanaysaa dacwad la xidhiidha dhacdadan oo dadkii hore loogu xukumay ay ka soo Rafcaan qaateen, halka kuwo kale ay dhamaysteen xukunaddii lagu riday.

Dawladda Jabuuti ayaan iyadu wax goโ€™aan ah wali ka gaadhin xubnihii ka mid ahaa silsiladiii qaraxyadaas ku lugta lahaa oo ay Somaliland hore ugu gacan galisay, halka ay waliba Somaliland gacan weyn ka siisay baadhista dacwada loo haysto Eedaysanayaashaas.

Qaraxii Jabuuti ayaa ahaa kii ugu danbeeyey ee ay fuliyaan kooxda Alshabaab, kadib markii la qab qabtay inta badan dadkii gacanta ka gaystay.

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com

ย