Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaag iyo La-dagaalanka Musuq maasuqa wuxu qarka u saaran in uu iska casilo xilka

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maamul wanaaga Axmed Muxumed Madar ayaa la filayaa in uu iska casilo xilka uu u hayo qaranka.

Illaa hada si rasmi ah looma oga ujeedada rasmiga ah ee iscasilaada Guddoomiye Axmed Muxumed Madar, hase yeeshee Ilo wareed u dhuun daloola hay’addaasi ayaa sheegaya in khilaaf muddo soo jiitamayey darteed uu isku casilayo.

Warar hoose oo laga helayo iscasilaada Axmed Muxumed Madar ayaa la xidhiidha in uu muddo badan ku doodayey nidaamka maamul ee dalka in la saxo iyo in wax laga qabto musuq maasuqa, hase yeeshee laga qaadan waayey Talooyinkii uu ujeediyey xukuumadda.

Khilaafka Axmed Muxumed Madar iyo Xukuumadda ayaa soo shaac baxay toddobaadkii hore kadib markii Madaxwweyne Siilaanyo soo saaray Digreeto uu sadexda hay’adood ee Hanti-dhawrka, Xeer ilaaliyaha Guud iyo hay’adda maamul wanaaga ku amrayo inay talaabo ka qaadaan masuuliyiinta musuq maasuqa samaysa iyo waliba inay ilaaliyaan hantida qaranka inay ilaaliyaan mudada kala guurka ah.

Guddoomiye Axmed Muxumed Madar ayaa la sheegay kulankaas inaanu ka qayb galin, sababta ugu weyn ee uu uga maqnaana ay tahay, isaga oo u arka talaabadda Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisu xilligan qaadaysaa inay tahay mid loo baahnaa wakhti hore in la fuliyo.

Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo waxa ku dhawaaqay in uu fulinayo Hanti-dhaeraha guud ee qaranka oo sheegay in uu durtaba bilaabay hawl-galkii madaxweyne Siilaanyo faray, hase yeeshee dadweynaha ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta uu awal hore u shaqayn waayey, maadaama uu xilka uu qaranka u hayaa ahaa in uu ka qabto dalka Boobka iyo Hanti lunsiga lagu eedeeyo masuuliyiinta Xukuumadda.

Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa dalka ka maqan, hase yeeshee illaa hada xafiiskiisa wax talaabo ah lagama hayo.

Xigasho: Waaheen Media

bandhige@gmail.com