Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo laashay qodob ka mid ah kuwii lagu soo eedeeyey mulkiilaha Astaan TV Abdimanaan Yusuf

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa laashay mid ka mid ah dhawr qodob oo Xeer ilaalintu ku soo oogtay Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yusuf oo muddo bil ka badan ku xidhan Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa u sheegay warbaahinta in saaka oo khamiis ah Maxkamadda gobolku laashay qodobkii koowaad ee kiiskii ay ku soo eedeeyeen Abdi Manaan Yusuf ee ahaa inuu Arrimo basaasnimo oo ka dhan ah Somaliland sameeyey, taasoo maalintii koowaad ee dacwada la dhegeysto ay Qareennada u doodayey Guddoomiyaha Astaan ay sheegeen in qodobkaas uu yahay mid u baahan in cadaymo lagu soo lifaaqo, taas oo Xeer Ilaalintuna ku dooday in aanay cadaymo u hayaan.

Dooddan Xeer ilaalinta iyo Qareennada ayuu Garsoorihii Kiiska gacanta ku hayey sheegay inuu isagu qaraar ka soo saaray, taas oo uu maanta soo saaray isla markaana uu meesha kaga saaray qodobka koowaad ee dacwada loo haysto ee ahayd Basaasnimada.

Xeer Ilaalinta, ayaa la sheegay in ay Racfaan ka qaadatay Qaraarkan Maxkamaddu ku laashay Qodobka koowaad ee eeddooda.

Xeer Ilaalinta ayaa Abdimanaan Yusuf ku soo eedeysay laba qodob oo kala ahaa Basaasnimo iyo arrin la xidhiidha Ruqsada iyo Mulkiyada Astaan TV Hargeysa.

 

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo