Maxkamadda Sare waxay xaqiijisay in ay gal dacwadeed ka qabata Xildhibaan Talyanle oo lagga guulaystay Guddoomiye Baarlamaanka

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ayaa maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashadii Axadii lagu doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo la sheegay in uu xildhibaan Baashe Maxamed Faarax helay 39 cod, halka uu Talyanle helay 38 cod.

Xildhibaan Talyanle ayaa sheegay in markii tirinta lagu jiray la isweydaariyay labada cod oo uu isagu leeyahay 39 cod. Haddaba, wuxuu shalay maxkamadda sare u gudbiyay codsi dacwad furasho ah. Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in codsigaas dacwad furashada ah laga qabtay, iyagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Codsigaas dacwad furashada ah maxkamada sare way ka qabatay markii uu soo qortay, maxkamaduna waxay darsaysaa in dacwadi arrintan ka furmi karto iyo inaanay ka furmi karin. Markaas maxkamadda sare si deg deg ah ayay uga soo jawaabaysaa dalabka xildhibaan Talyanle.”

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com