Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa hogaaminaya codadka la tiriyey ee Doorashada Kiiniya

Madaxweynaha talada haya ee dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa hogaaminaya codadka ilaa iyo iminka la tiriyey ee doorashadi madaxtinimada ee Salaadadi shalay ka dhacday dalkaasi.

Tirinta codadka ayaa wali socaneysa, balse guddiga doorashada ayaa sheegay in Kenyatta uu ku hogaaminayo 54.6 boqolkiiba halka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu hadda marayo 44.5 boqolkiiba.

Guddiga doorashooyinka ayaa heysta muddo todobaad ah si ay usoo bandhigaan natiijada rasmiga ah, balse waxay heystaan ikhtiyaar ah in ay soo hormarin karaan natiijada si looga hortago qalalaase.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa durbaba qaadacay natiijada hordhaca ah, isaga oo ka dalbaday guddiga doorashooyinka in ay soo gudbiyaan dukumintiyada goobjoogayaasha wakiilka uga ah goobaha codbixinta xisbiyada siyaasadda.

bandhige@gmail.com