Maydka fannaankii weynaa ee Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade (Tuse), oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasimada JSL, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa.

Maydka fannaankii weynaa ee Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade (Tuse), oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee caasimada JSL, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa.

Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Xasan Cali Waji iyo masuuliyiin kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Marxuum, Fannaan Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade (Tuse), oo lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa.

Masuuliyiintan ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, iyaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan kasiiyo, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade (Tuse) waxa ka qayb galay, agaasimaha waaxda dhaqanka, agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta, Ehelada Marxuumka, fannaaniin, abwaano, saxafiyiin iyo dadwayne kale, kuwaasi oo si qiiro leh uga hadlay shakhsiyadii Xasan Ismaaciil.

Marxuum Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade (Tuse), ayaa lagu xusuusan doonaa doorkii uu kulaha fanka.