Todobo badmaaxayaal ย Mareykan ah oo sarnaa markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka, muddo laba maalmoodna la la’aa ayaa la helay iyagoo meyd ah, kadib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale oo siday xamuul.
Markabkan ayaa xiliga uu shilka dhacayay ku sugnaa meel ka baxsan xeebaha dalka Japan, waxaana dhimashada badmaaxayaasha xaqiijiyay saraakiisha ciidammada badda ee Maraykanka.
Ciiidammada waxaa kale oo ay shegeen in kooxaha samata bixinta ay meydadka dadkani heleen, kadib markii ay u suuragashay in ay guddaha u galaan qeybaha burburay e markabka, iyagoo intaa ku daray in meydadka haatan la geeyay cisbitaal ku yaala Japan, si loo aqoonsado heybtooda.
Shilkan ayaa ka dhacay meel 104 kilo mitir koonfur galbeed ka xigta magaalada dekadda leh ee Yokosuka ee dalka Japan.
Markabka dagaalka ayaa dhinac dhan ka burburay, waxaana markii dambe uu si luud ah kusoo gaadhay dekadda Yokosuka, isagoo gacan ka helaya doonyo ay leeyihiin Maraykanka.
Goobta ay maraakiibtu isugu dhaceen ayaa ah meel saxmad badan, oo ay maraan maraakiibta iyo doonyaha u socda ama ka imanaya gacanta Tokyo.
USS Fitzgerald ayaa ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu casrisan caalamka, waxaana la isweydiinayaa sababta keentay in uu ka weecan waayo markab xamuul oo ka horyimid habeen ay baddu degan tahay.
Waxaana weli socda baadhitaano lagu ogaanayo waxa sababay in markabka dagaalka ee USS Fitzgerald uu ku dhaco markab xamuul ah oo ka diiwaangashan dalka Philippine.