Waxa saaka Berbera ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo qaabka ay xukuumadda Kulmiye u wareejinayso Marsada Berbera.
Dekedda ayaa gacanta loo gelinayaa shirkada DP World oo iyadu maalgelin iyo balaadhinba ku samayn doonta, sidoo kalena manfaceeda inta ugu badan qaadan doonta.
Dadkan ka gadoosan heshiiska dekedda Berbera ayaa waxay iska soo buux dhaafiyeen waddooyinka kuwaas oo gubayey taayiro.
Ma jiro khasaare ka badan jidadka xidhan oo ay sababeen mudaharaadkan saaka ka dhacay Berbera oo ku soo beegmay wakhti ay farsama yaqaano ka socda shirkada DP World ay magaaladda Berbera ku sugan yihiin kuwaas oo soo kormeeray dekedda.
Farsamo yaqaanadan ayaa waxa dhabada tusayay xubno ka tirsan xukuumadda Kulmiye, waxaana la filayaa in gacanta loo geliyo dekedda Berbera iyada oo aan heshiiskaasi golaha wakiilada laga soo ansixin.