Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan oo katirsan mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixiyey eedo dhawaan uga yimi dhinaca golaha guurtida, isaga oo sidoo kale cambaareeyey hannaanka shaqo ee ay haatan u shaqeeyaan guurtidu.
Xildhibaanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa iska difaacay eedihii dhawaan guurtidu u jeedisay dhiggooda wakiillada ee ansixinta xeerarka qaarkood ku saabsanayd, waxana uu si cad u sheegay in wax alla iyo wixii ku saabsan xeerarka maaliyadda la xidhiidha aanay guurtidu wax shaqo ah ku lahayn, waxana uu yidhi:
“Beryahan waxad moodda inuu golaha guurtidu shaqo ka dhigtay xilalkii uu khaaska u lahaa golaha wakiilladu oo ay kamid ahaayeen dhinaca maaliyadda, dhinaca miisaaniyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee wakiillada uu distoorku xaqa u siiyey, waana nasiibdarro inuu maanta arrintaas ka hadlo.”
Cabdiqaadir Askar Xasan oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay guurtidu ku fashilmeen hawlihii ay u xilsaarnaayeen, kuwaas oo ay ugu mudnayd nabadaynta oo deegaanno badan oo dalka kamid waqtigan baahi badan looga qabo, waxaanu yidhi:
“Anigu waxan aaminsanahay golaha guurtidu mar hore ayuu siyaasadoobay oo uu xilkiisii iyo waajibaadkiisii lumiyey, waxana aad ogtihiin dagaallada baahsan ee maanta qabaa’ilka u dhexeeya iyo nabadgelyo darrada ka jirta meelo badan inay ahayd xilkii ugu weynaa ee golaha guurtidu ay ahayd inay ku faanaan.”
Xildhibaanku waxa uu si gaar ah u sheegay in shaqooyinka ay guurtidu gabeen ay kamid tahay tiro-dhaafka madax-dhaqameedka xadka ka baxay, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Salaadiinta maanta kumaam kunka maraysa iyo cuqaasha tiradoodu ciidamada qaranka leedahay waxa ay ahayd shaqadii guurtida, arrimaha diintana wax aka jira khilaafaad kala duwan.”
Cabdiqaadir Askar Xasan waxa uu sharraxay sababta keentay inaan golaha guurtida la marinin xeerarka la xidhiidha arrimaha maaliyadda, waxana uu xusay inaanay ahayn dad shacabku soo doortay, waxana uu yidhi:
“Xeerarka maaliyadda quseeya lama hor geyn karo golaha guurtida, midda kale golaha wakiillada waa la doortay, guuurtiduna waa gole dhaqan oo aanay cidi dooranin, ide baa dad aan la dooran loogu aamin karaa waajibaadka xagga maaliyadda iyo cashuuraha Quseeya, laguma aaminni karo wax quseeyana ma aha.”
Xigasho: Hubaal Media