Siddeed wasiir oo ka tirsan xukuumaadda Brazil ah waxa lagu eedeeyay musuqmaasuq

 

Xukuumadda Brazil waxaa ruxay eedaymo cusub oo musuqmaasuq kadib markii uu garsoore amray in baadhitaan lagu sameeyo siddeed wasiir iyo tiro xildhibaano ah.

Dadka liiskan ku jira waxa ka mid ah Agaasimaha madaxtooyadda, ninkii Duqa magaalada ka ahaa Rio de Janeiro markii lagu qabtay tartankii Olambigga iyo ugu yaraan afar Madaxweyne oo hore.

Waxa magacaabay shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Odebrecht, oo qiray in laaluush u bixiyeen hal bilyan oo Doolar.

Arrintan waxay qayb ka tahay baadhitaan musuqmaasuq oo muddo saddex sanno ah lagu hayay shirkadda shidaalka ee Petrobras.

Dhammaan 108 ruux ee uu magacyadooda shaaciyay Edson Fachin oo ah garsooraha maxkamadda sare ayaa looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin laaluush baaxad wayn iyo lacago si aan haboonayn looga qaatay shirkadda shidaalka oo galay jeebabka siyaasiyiinta.

Markii la shaaciyay magacyadan dadka degan magaalada Sao Paulo ayaa isugu soo baxay mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedaan musuqmaasuqa siyaasadaysan.

bandhige@gmail.com