Muran horleh oo ka dhex qarxay Trump iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbigiisa

Muran horleh ayaa soo wajahay Donald Trump kaas oo kaga yimid 50 sarkaal oo laamaha amniga ah kuwaas oo la soo shaqeeyey maamulkii Madaxweyne Bush, kadib markii qoyska Bush ay si rasmi u taageereen musharaxa la loolamaya ee xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton.

Saraakiishani oo ay ka mid yihiin agaasimihii hore ee CIA-da Maraykanka iyo labo nin oo madax ka ahaan jirtay wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Trump uusan la hayn dabeecadda, qiyamka iyo waayo aragnimo uu ku noqdo Madaxweynahe.

Waxa ay saraakiishani saadaaliyeen in Trump uu noqon doono Madaxweynaha ugu taxaddar la’aanta badan taariikhda Maraykanka.

Trump oo lagu yaqaano in uu dhalleecan kasta kaga jawaabo muddo kooba ayaa waxa uu hadalkaasi uga jawaabay in saraakiishaasi ay ka tirsan yihiin aqoon yahanno fashilmay oo reer Washington ah, kuwaasi oo ay tahay buu yidhi in lagu eedeeyo in caalamka ay ka dhigeen meel halis badan.

bandhige@gmail.com