Murashax Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo waxay saaka ka qayb galay xaflada lagu soo dhoweynayo siyaasiyiin iyo Xildhibbaano ka soo diga rogtay KULMIYE oo uu horkacaayey Maayirkii hore ee Berbera

 

Weftigii uu hoggaaminaayey Murashax Cirro ee maalmahii ugu dambeeyey socdaalka ugu maqnaa goballada Galbeedka Somaliland oo hada na isla saaka aroornimadii hore socdaal la xidhiidha ka qeyb-gelidda xaflad fooladeyn ah oo loo qabanaayey Xildhibbaano ka tirsan golaha deegaanka Berbera iyo weli ba Haldoor tiro badan oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminaayey Maayirkii hore ee magaalada Berbera Xildhibbaan Cabdalle Sandheere.

Weftigan Murashax Cirro, ayaa waxa ku wehelinaayey guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, guddoomiye ku xigeenka Xisbigaasi Md.Saleebaan Ducaale, Siyaasi Ismaaciil yare, Siyaasi Cabdillaahi Cirro, Siyaasi Axmed Jaambiir Suldaan, Siyaasi Duur, Siyaasi Geedoole, Siyaasi Siciid Sulub, Marwo Faadumo Siciid, Xildhibbaan Baar Siciid, Marwo Qadan Hoodo iyo weli ba sida oo kale xubno tiro badan oo ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaal kale oo aad u baaxad weyn.

Siyaasi Cabdalle Sandheere oo  ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku soo biro Xisbiga WADDANI, isaga oo sheegay in Xisbigaasi yahay xisbigii badbaada da umadda Somaliland.

“Dad badan baa lahaa Cabdalle Sandheere wuu soo raagay ee waxa ay ahayd in uu beri hore soo galo Xisbiga WADDANI, se waxa aan lee yahay taasi aniga may ahayn ee sababtu waxa ay ahayd Xisbiga oo la daba-taxan yahay Laas-qoray illaa Saylac, markaa dib u dhacu xaggeyga kamuu iman ee wuxu ka yimi umadda reer Somaliland oo ku wada tashatay in ay ku midoobaan Xisbiga WADDANI oo kuyuu gaa looggu jiro wakhtigii cidhiidhi naga noqday. Waanan ku faraxanahay in aan maanta ku soo biiro Xisbiga WADDANI, midda aan idiin sheegayaa na waxa weeye in maanta umadda Somaliland ay ku midowday WADDANI.”. Ayuu yidhi Cabdalle Sandheere.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde iyo siyaasiyiin tiro badan oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey madaxda ku soo biirtay Xisbiga WADDANI.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:

“Waxa aanu maanta halkan u nimi xuskan weyn ee Xisbigu ku soo dhaweynaayo dad badan oo muddo dheer aynu fileynay in ay Xisbiga yimaadaan oo uu ugu horreeyo Maayirkii hore ee magaalada Berbera, Xildhibbaanada, Mujaahidiinta iyo weli ba haldoorka kale ee tira da badan, inta halkan fadhida oo keli ahna kuma koobna se waa intii fursadda u heshay in ay ka soo qeyb-galaan Munaasibadda. Waxa aan idiin sheegayaa in aanu Cabdalle Sandheere mar na la wada qoray dugsiga koowaad illaa dugsigii sare oo aanu intaas isku fasal ahayn, markaa anigu hore ba waan u oggaa in uu imanaayo se mar haddii uu maanta ba yimi waa mahad Alle.”.Murashax Cirro.

bandhige@gmail.com