Murashax Cirro wuxu soo kormeeray goobaha qaadashada kaadhka Codbixinta Doorashada ka socoto Ceerigaabo

 

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag, ayaa saaka soo kormeeray qaabka ay u socoto qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixinta Doorashada oo maalmo ka hor ka bilaabmantay gudaha magaalada Ceerigaabo.

Murashax Cirro oo ay wehelinayaan saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, hoggaano, guddiyada fulinta, garabada dhallinyarta iyo haweenka heer qaran iyo heer gobal, ayaa dhammaantood ba mid mid u soo kormeeray goobaha diiwaan-gelinta ee Ceerigaabo, waxaana ay saraakiisha Komishanka ee gobahaasi ka xaal wareysteen sida ay u socoto qaadashada kaadhka diiwaan-gelintu.

Murashax Cirro oo markii dambe warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shacabka Ceerigaabo ay si habsami ah u qaadanayaan qaadhka codbixinta Doorashada, waxaana uu cod ugu baaqey in ay ka faa’ideystaan fursadda qaadashada kaadhka codbixinta si baa uu yidhi uu dalka oodhan uga dhasho isbedal taama.

bandhige@gmail.com