Kenyatta wuxu ug baaqay mucaaridka in ay ka fogaadaan dibaxyo rabshado wata

Uhuru Kenyatta, addresses the crowd after he was declared the winner in the presidentail race at the Centre in Bomas, Nairobi, Kenya, Friday, Aug.11, 2017. (AP Photo/ Sayyid Abdul Azim)

 

Madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay mucaaridka in ay ka fogaadaan dibadbaxyada rabshadaha wata, islamarkaana diidmo kasta oo ay ka qabaan natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday ay Maxkamadda ka furtaan dacwado.

Kenyatta ayaa sidoo kale ugu baaqay booliska in ay is-xakameeyaan marka ay la macaamilayaan dibadbaxayaasha iyo cadhada ka dhalatay doorashadii dhacday sideeddii August. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xaqiiqdii, waxaan aaminsan ahay in uusan jirin qof Kiiniyaan ah oo doonaya in uu arko rabshado, bililiqo iyo dibadbaxyo dhaliya burbur hantiyeed.”

Waxa uu intaas ku daray;

“Haddii uu jiro qof dareemaya in lagu gardarrooday ama dooneyn inuu aqbalo natiijada, waxaa jira hanaan dastuuri ah, oo arrintan loo dejiyey?.

Dhinaca kale, inkasta oo mucaaridka dalka Kiiniya ay shacabka ugu baaqeen in aysan maanta oo Isniin ah shaqo tagin, ayaa haddana jawaabtii baaqaas laga bixiyey waxay u muuqatay mid xaddidan, iyada oo inta badan ganacsiga uu furan yahay.

Magaalada caasimadda ah ee Nayroobi dukaamo badan ayaa dib loo furay maanta, islamakraana magaalada galbeed ee Kisumu ayaa markii ugu horreysay muddo maalmo ah waxaa waddooyinka socda baabuurta iyo basaska, oo aan shaqeyn tan iyo sideedii August.

bandhige@gmail.com