Murashaxa Madaxweynaha Waddani wuxu xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo xisbigaasi ka furtay Degmada Axmed Dhagax

 

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo xisbigaasi uu ku yeelan doono degmada Axmed Dhagax iyo weli ba sida oo kale xaafadda Haaf London ee Hargeysa.

Xadhiga ka jaristan oo Guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, siyaasi Cabdi Haybe, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, xildhibbaan Mataan Hoori, xoghayaha guud ee xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Xoghayaha Maaliyadda WADDANI Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif iyo weli ba sida oo kale taageerayaal iyo saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI oo aad u tira badan, waxaana madashii xadhig ka jarista oo aad u bilneyd ay taageerayaashaasi caleemo qoyan ku qaabileen guddoomiye Cirro iyo saraakiisha la socotay ba.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com