Somaliland waxay beeraysaa 18.000 oo geed xuska 18 May awgeed

 

Barnaamijka ka soo kabashada dhibaatadii abaaraha oo ah hanaanka sannadkan lagu xusayo Munaasibadda 18 may, loona kala qaybiyey labo qaybood oo kala ah taakulaynta dadka ka soo kabanaya dhibaatadii abaaraha iyo qorshaha xiliga dheer ee ka hortagga abaaraha soo noqnoqda ayaa waxa qayb ka ah barnaamij qaadhaan ururineed oo lagu soo xeraynayo illaa 10 Milyan oo Doolar oo loogu talogalay in lagu fuliyo mashaariicda kala ah; 20 kun oo qoys oo dib loogu raryo deegaanadii ay abaaruhu ka soo baro kiciyeen, 12 kun oo qoys oo dib loo xoolaynayo, 35 kun oo beerood oo dib loo abuurayo, 15 ceel biyood oo kuwa dhaadheer ah oo laga qodayo Dalka, 18 dhaam biyood oo qaabka balliyada ah oo la samaynayo, 12 goobood oo seerayaasha xoolaha laga oodayo, 18 kun oo geed oo laga talaalayo gobolada iyo Degmooyinka iyo barnaamijyo kale.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com