Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Hanbalyo u diray Jamhuuriyadda Jabuuti isagoo Ku hanbalyeeyay Xuska sannad guurada maalintii xorriyada uu qaatay dalkaasi. Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlaayay munaasibad ka dhacday maagaalada Jidah wuxuu yidhi:
โMunaasibado badan ayaa isku beemay, waxaynu ku jirnaa wali munaasibadii Ciida Islaamka oo aynu isku bogaadinayno, waxa iyana taagan oo Caawa aynu joogna Xuska 26-Ka June oo ah maalintii Somaliland xorowday, munasibadaasi mid weyn weeye oo aanay cid gaar ahi lahayn dhammaan rer Somaliland xasuus gaar ah u leh.โ
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:
โWaxaan sidoo kale halkan uga faa’iidaysanaaya Dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo isna maanta 27 June ay ku began tahay sannad guurada maalintii uu xoroobay. Hanbalyo ayaan u dirayaa Madaxweynaha iyo shucuubta Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu walaalaha nahay.”