Dadka isticmaal Facebook-gu waxay gaadheen labo bilyan

 

In kabadan afar meeloodow meel ka mid ah dadka dunida ayaa bil kaste isticmaala Facebook-ga, sida ay sheegtay bartaasi ay bulshadu ku xidhiidho.

“Subaxan saaka ah laga billaabo bulshada Facebook isticmaasha waxay gaadheen labo bilyan.” ayuu soo qoray Mark Zuckerberg oo ah ninka aasaasay Facebook oo madaxdana u ah.

Arrintan ayaa imanaysa markii uu Zuckerberg aasaasay bartan 13 sanno ka hor isaga oo arday ka ahaa jaamacadda Harvard.

Waxbarashadii jaamacadda ayuu isaga hadhay markii uu aasaasay bartan bulshada caalamku ku xidhiidhto.

Shirkadan wayn ayaa sannadkii 2012-kii sheegtay in dadka adeegsada bilkaste ay noqeen hal bilyan.

Koritaanka shirkaddan ayaana ka soo horjeeda aragtidii wakhtiga badan jirtay ee ahayd in koritaankeedu uu hoos u dhici doono maadaama ay macaamiishu ka u diga roganayaan Snapchat.

Horaantii sannadkan ayuu Facebook ka digay in uu gaabis ku iman doono faa’iidada ka soo gasha xayaysiinta.

Si kastaba ha ahaatee hamiga Zuckerberg ayaase wali ah mid sareeya, isagoo arrrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ahmiyaddanadu waa in aan awoodno in aan dadka oo dhan isku xirno”

Arrintii ugu waynayd ee dhawaan soo wajahday Facebook-ga waxay ahayd nin Maraykanka ku sugan oo soo dhigay Facebook isaga oo toogasho ku dilaya nin da’a ah.

Bishii hore ayuu Facebook-gu sheegay in uu shaqaalaysiinayo 3,000 oo ruux oo dheeri ah, kuwaas oo tifaftiri doona waxyaabaha la soo galiyo bartan.

Bandhige@gmail.com