Murashaxiin Maraykan ah oo lagu eedeeyey in ay caadaysteen Islaam-nacayb

Murashaxiinta Jamhuuri ah oo safka hore kaga jira tartanka madaxweynenimada Maraykanka ayaa sida muuqata qodobada ay diirradda saarayaan ku darsaday fogaynta Islaamka iyagoo aaminay in ay sidaas ku soo jiidan karaan dad badan.

Ben Carson oo ah murashax madow ah oo hore u ahaan jiray dhakhtar qalliinka maskaxda ah ayaa dhawaan sheegay in aan loo oggolaan in qof Muslim ahi madaxweyne ka noqdo Maraykanka. Waxa ku soo biiray Donald Trump oo ah murashaxa calanka u sida Jamhuuriga oo isagu beryahan dambe caado ka dhigtay ka-hadalka Muslimiinta.

“Haddii aan Madaxweyne noqdo, waxan samayn doonaa barnaamij si joogto ah ula socon doonaa dhaqdhaqaaqa qof kasta oo Muslim ahi samayno. Barnaamij kaliya maaha, waxa loo baahan yahay barnaamijyo badan oo wax lagula socdo” ayuu yidhi Donald Trump.

Kooxaha u dooda xuquuqda Aadamaha iyo ururrada Islaamka ee Maraykanka ayaa sida fiinta uga qayliyey farriimo ay raggani gudbiyaan iyagoo ka baqaya in ay dadka Maraykanka ah ku abuuraan Islaam-nacayb, taas oo sida la sheegay meelo badan ka bilaabantay.

Ururradani waxay soo saareen war-saxaafadeedyo ay si gaar ah ugu dhalleecaynayaan murashaxa Jamhuuriga ah ee la yidhaa Donald Trump kaas oo inta badan ka hadlay arrimo khilaaf iyo buuq ka abuura Maraykanka hase ahaatee da’yarta Maraykanku ay khudbadihiisa jecel yihiin sida ay muujinayaan sahan ay qaadeen machadyada wax daraaseeya.

Sahan uu sameeyey telefishanka caanka ah ee Bloomberg ayaa muujiyey in 53% dadweynaha Maraykanku ay diiddan yihiin in qaxootiga Suuriya loo oggolaado in magangelyo laga siiyo Maraykanka, taas oo ay ka saseen muslimiinta Maraykanka ku nool iyo dadyoga laga tirada badan yahay.

Robert McCaw oo ah Af-hayeen u hadlay urur mideeya Muslimiinta iyo qoomiyadaha laga tirada badan yahay ee Maraykanka oo loo soo gaabiyo CAIR ayaa sheegay in haddaladda ay nimankani ku tiraabayaan horseed u noqon karaan kala-qaybint shacbiga Maraykanka ee nabadda ku wada nool, isla markaana ay beerayaan nacayb ka dhan ah Muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Ururka CAIR ayaa ku eedeeyey labadan murashax in ay ku hadaaqayaan arrimo aan meelna kaga jirin dastuurka iyo shuruucda u deggan Maraykanka.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka