Axmed Xasan Cawke si caadi ah ayuu u geeriyooday (W.Q: Axmed-Yaasiin Yuusuf Khaliif)

Bismillahi Raxmaani Raxiim

17, Nov. 2015 Salaasa, Magaaladda Jigjiga ee Xarunta Dawlad Deeganka Soomaalida Itoobiya waxa ku geeriyooday Allah ha u naxariistee wariye sare Axmed Xasan Cawke.Geeridu waa xaq qof kasta oo noolina waa ku xukuman yahay, hayeeshee bal aan idinla wadaago dhawr qodob oo ku gadaaman geerida Marxuunka.

  1. Cawke waxa uu ku geeriyooday magaaladda JigJiga ee waddanka Itoobiya.
  2. Cawke markii uu tagayay waa uu caafimaad qabay wax xanuun ahna maqabin.
  3. Cawke Muxuu ka doonay JigJiga, yaa se u yeedhay ?
  4. Cawke waxa la aasay isla maalintii uu geeriyooday(degdeg baa loo aasay).
  5. Cawke waxa lagu aasay magalada Wajaale ,gaar ahaan dhinaca Itoobiya raacsan

Akhriste su’aalahaa iyo kuwa kaleba waxa ay dareen taban ku rideen dad badan oo ka tirsan bulshadeena, Baraha Bulshadu ku kulantaana in badan ayaa la isku waydiiyay, dabcan qaar kamid ah Website-yadana waaba lagu soo qoray. Ugu horayn waxan jeclahay in aan bogaadiyo bulshadeena inta dareenkan qabta, waad ku mahadsantiin feejignaanta iyo fiira dheerida, waxaadna tusteen in aanu leenahay dad soo jeeda oo damiirkoodu nool yahay, waana mid dalkiina iyo dadkiinu xaq idiinku leeyahay.

Aan hoos u daadago akhriste anigu shakhsi ahaan dareenkaa lama qabo saaxiibaday, sababtana waan sheegi, inta aanan qodobadaa kor ku xusan ka jawaabin, bal aynu is waydiino maxaa sababay in dareenka noocan ahi dhasho? Maxaa keenay in su’aalahan iyo kuwa kalaba la is waydiiyo? Halkuu salka ku hayaa tuhunka ah in Cawke AHN la shirqooli karo?.

1977 kii muddo 38 sanno ka hor ah Axmed Xasan Cawke waxa uu ahaa wariye ka shaqayn jiray Idaacadii Radio Muqdisho, waa waagii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, xiligaa Axmed waxa uu sheegi jiray faaladda warka, si kululna waxa uu wax uga sheegi jiray Taliskii Itoobiya, sidaa darteed waxa dhici karta in Itoobiya colaad ay wakhtigaa Cawke u qaaday u haysay taasina ay sababi karto in maanta ay khaarajiyaan. Haaa waa wax dhici kara.

Akhriste marka ay halkaa joogto waxa lagama maarmaan ah in aynu laba qodob is dultaagno.

  1. Axmed Xasan Cawke ma markii u horaysay ee uu Itoobiya tago ayay ahayd.
  2. Muxuu leekaa xidhiidhka ka dhexeeyay Cawke iyo madaxda Dawlad Deeganka Soomaalida Itoobiya (DDSI).

Axmed Xasan Cawke dhawr iyo tobankii sanno ee u danbeeyay in ka badan 20 jeer ayuu safar ku tagay Itoobiya. Safaradaasi waxay isugu jireen kuwa Transit ah oo uu sii maray ama kasoo dagayay magaalooyinka Jig Jiga iyo Adis Ababa labadaba iyo kuwa rasmi ah oo uu ku tagay magaalooyinkaasi, Dhawr kii sanno ee u danbeeyay 4 ilaa 5 jeer ayuu tagay magaalada Jig Jiga safaro gaar ah iyo kuwa shaqaba.

Akhriste hadii Cawke Itoobiya Colaad u haysay, oo ay iyagu ka danbeeyeen dilkiisa, maxay intaasoo dhan la sugayeen, hadii markii 1 aad, 2aad iyo 3aad ay is dhaheen waa la idinka shakini, Hadaa markii 4aad , 5aad, 6aad iyo ……20 aad maxay la sugayeen waa yaabe? jawaabta adaan kuu dhaafay.

Axmed Xasan Cawke iyo madaxda DDSI gaar ahaan Madaxweynaha Cabdi Maxamuud Cumar xidhiidh aad u fiican oo saaxiibtinimo ayaa ka dhexeeyay, Cawke waxa uu furnaa albaabka madaxtooyadda mar kasta oo uu Jig Jiga tagana waa lagu soo dhawayn jiray, Cawke waxa uu JigJiga ka diyaariyay Barnaamij Dokumentari ah oo uu kaga sheekaynayay horumarka DDSI si gaar ahna diirada loogu saarayay wax qabadka Madaxweyne Cabdi Maxamuuud Cumar. Akhriste haddii xidhiidhka Cawke iyo Madaxweynuhu sidaa u fiicnaa ileyn madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirtee, maxaa keeni kara in Cawke la shirqoolo? waa su’aal kale iyana.

Akhristow aan dib ugu noqono su’aalihii ugu horeeyay ee ku xeernaa dhimashada Cawke, Cawke waxa uu ku geeriyooday Jig jiga, Akhriste ma ogtahay in geeridu ay tahay shayga kaliye ee aan la diidi karin, mase ogtahay in ay tahay shayga kaliya ee aan la dooran karin marka iyo meesha aad ku dhimanayso ? Hadaba maxaad isku waydiisay su’aashaa? Dabcan tuhun baa jiray!! Haa waxaan filayaa tuhunkii in labadaa qodob ee aan soo sheegay kaa masaxeen.

Labada qodob ee ku xiga inoo soo qaad, Cawke markii uu tagayay JigJiga waa uu caafimaad qabay, muxuu jigjiga ka doonay yaase u yeedhay ?

Waa run oo Cawke markii uu Jigjiga tagayay waa uu caafimaad qabay, marka uu dhiman doono waxa uu magaalda Jigjiga ku sugnaa mudo 14 cisho ah, sababta uu u yimidna waxay ahayd arrin khaas ah oo la xidhiidhay dhul beero ah oo ay ku lahaayeen magaalada Wajaale dhinaca Itoobiya, 3 dii maalmood ee u danbaysay ayuu yara xanuunsaday, markii u horaysay waxa uu moodayay in ay dhaxani gashay hase yeeshee habeenkii u danbeeyay ayaa aad loo qabtay oo dhakhtarka laba jeer lagu celiyay subaxiina Allahii lahaa ayaa oofsaday Allah ha u naxariisto.

Akhriste warkan aan kuu sheegay waxaan afkiisa ka maqlay ninkii uu 14-kaa casho la joogay markii naftu ka baxaysayna dul joogay, hadii aad rabto inaad adiguna maqasho dib u dhagayso warbixintii wariyaha VOA Cabdihakiim Shirwac oo la kulmay Cali Cabdi Ciise oo ahaa ninkii uu marxuunku la daganaa 14 ka cisho. Akhriste haddii Cawke saddex cisho xanuunsanaa imisaa iyagoo caafimaad ku seexday subaxa aanba soo kicin, Cawke xiligii uu BBC da ka shaqayn jiray waxa qaliin lagaga sameeyay wadnaha oo xidid xidhmay dib loo furay, in kasta oo dhakhtarka Jigjiga habeenkii sheegay in uu wadnihiisu caadi u shaqaynayo haddana ayada lafteeda wax kaga tiri, saacadiisa oo dhamaatayna hadalka kusoo koob.

Labada qodob ee u danbeeya, maxaa isla maalintiiba loo aasay maxaase Wajaale dhinaca Itoobiya loogu aasay?

Akhriste arintaasi mid siyaasadeed ayay ahayd oo waayo? Axmed Xasan Cawke waxa uu ku dhashay magaalada Wajaale dhinaca Itoobiya dib udhagayso hadalkii uu Abiib Timacad ka sheegay goobtii xabaashe ee ahaa in labadooduba meel aan ka fogayn goobtii xabaasha ku dhasheen, maadaama uu ahaa nin caan ah magac weyna leh qoladaa Itoobiya waxay ku doodayeen in uu ahaa nin u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, sidaa waxa afkiisa ka sheegay goobtii xabaasha madaxweynaha DDSI Cabdi Cumar hadalkiisii dib u dhagayso. waxa uu yidhi:

”Cawke waxa uu ahaa nin u dhashay Deegaanka (DDSI) waxan ka tacsiyadaynayaa dadka Deegaanka geeridaasi iyo Somaliland oo qaraabadiisu ku noolyihiin ” Haaa sidaas ayuu yidhi.

Waxan filayaaa in aad wax badan fahanteen, waxaan kusoo gunaanadayaa Cawke maanta uma baahna Gabay iyo Geeraar, Ammaan iyo Oohin midna. Illahay ayuu hor joogaa aynu u barino in Allah SWT ka badbaadiyo Cadaabka qabriga iyo mid ka naarta labadaba, Janooyinkiisana ku arsaaqo.Aaamiin.

Tani waa fikirkayga Gaarka ah ..Nabad Gelyo.

Axmed-Yaasin Yuusuf Khaliif