Murashaxnimada Xaglo-toosiye oo laga taageeray Laascaanood

Tiro ka mid ah dadweynaha Laascaanood ayaa maanta isku soo baxay si ay muujiyaan taageerada ay u qabaan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” oo dhawaan isu sharaxay madaxweyne-xigeenka Kulmiye iyadoo uu xisbigan hore uga sharaxnaa madaxweyne-xigeenka hadda kursiga ku fadhiya Saylici iyo ugu yaraan afar xubnood oo kale oo ka soo jeeda gobolka Awdal.

Taageerayaasha Xaglo-toosiye ee Laascaanood ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama-maarmaanka u tahay in markan Xaglo-toosiye loo doorto madaxweyne-xigeen.

“Annagu waxan ka jeclayn in uu madaxweyne isku soo sharaxo laakiin madaxweyne-ku-xigeenimada lafteeda waan ku taageeraynaa” ayuu yidhi oday ka mid ah dadkii isku soo baxay.

Xagla-toosiye ayaa u muuqda in uu yahay murashaxa safka hore kaga jira tirada isa soo sharaxday ee danaynaysa in ay kursigan kula tartanto madaxweyne-xigeenka hadda kursiga ku fadhiya Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici.”

Xaglotoosiye sida la sheegay wuxu ku dedaalayaa in uu ka faa’iidaysto tirada murashaxiinta dhinaca Awdal oo badatay taas oo codadkii uu Saylici heli lahaa ay murashaxiinta kale ku kala baahayaan, sidaasna  uu kaga dhex qaadi karo kursigan maadaama doorashada Kulmiye ay tahay hal wareeg iyo cod-dheeri.

Wasiirka Cafimaadka oo toddobaadkii inna dhaafay Hargeysa kula hadlay xubno Golaha Dhexe ee Kulmiye ah ayaa sheegay in loo hiiliyo Somaliland oo isaga la doorto. Xaglo-toosiye wuxu sheegay in deegaanka uu ka soo jeedaa ay doorkan diyaar u yihiin in ay codkooda dhiibtaan sidaas daraadeedna ay tahay in doorkan madaxweyne-xigeen loo doorto isaga oo deegaankaas ka soo jeeda.

Hase ahaatee dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in ay hawl adag noqon doonto in Xaglo-toosiye Kulmiye dhexdiisa kaga guulaysto iyadoo ay ku soo beegmayso sannad iyo dheeraad ka hor wakhtiga uu xilku kaga eg yahay madaxweyne-xigeen Saylici isla markaana la ogyahayna uu Salaylici xulufo la noqday Guddoomiye Muuse Biixi oo u sharaxan madaxweynenimada Kulmiye.

Hoos ka daawo muuqaalka Horn Cable TV ee taageerada reer Laascaanood