Murashixiin waxa looga digay in ay sameeyaan Ololayaal Sharci daro ah 

Guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee Komiishanka doorashooyinka Qaranka ayaa War ay soo saareen waxay ku caddeeyeen in qaar ka mid ah murashixiinta doorashooyinka isku sidkan ay bilaabeen olole wakhtigiisii ka soo hor maray oo ah sharci daro waxaymay ugu baaqeen xisbiyada Qaranku inay murashixiinta ku ilaaliyaan sidii ay u ixtiraami lahaayeen sharciga loo asteeyay ololaha doorashadda .

Warkan guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee komiishanka doorashooyinka Qaranka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Mareegta Dawan ayaa u dhignaa sidan:-

“Sidaynu wada ognahay Doorashooyinka isku-sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada JSL waxaa loo asteeyay 31-ja May, 2021 waxaana ka soo horayn doonta ololaha doorashada oo mudadiisiina wali la astayn, waxaana murashaxiinta qaarkood bilaabeen olole aan wakhtigiisii la gaadhin, taas oo sharci daro ah.

Xisbiyada Qaranka waxaa la farayaa in ay murashaxiintooda ku ilaaliyaan sidii ay u ixtiraami Iahaayeen sharciga loo asteeyay ololaha ooorashadda.

Sidaa daraadeed cidkasta oo u hoggaansami wayda sharciga doorashooyinka waxay la kulmi doonaan anshax marin waafaqsan Xeer LR . 91/2020 & Xeerka Habdhaqanka Xisbiyada Qaranka ee Doorashadda ee Xeer Lr. 04/2021″.

Halkan hoose ka akhriso warqada ay soo saareen Guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee Komiishanka doorashooyinka Qaranku: 

Xigasho: Wargeyska Dawan

bandhige@gmail.com