Shirkii Burco ee 27/3/1991
Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, waxaanu ka furmay xaafada shacabka ee magaalada Burco. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii SNM waxa guddoominaayey, guddoomiye ku xigeenkii SNMย Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Somaliland ee taliskii Maxโed Siyaad hubka isugu dhiibay. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabayโHalkan waxaynu isgu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (Somaliland) isku turxaan bixiyaanโ
Iyadoo la tixgalinayo goโaamadii shir beeleedkii Buro ayuu golihii dhexe ee SNM ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax bannaan 18/5/1991. Muddo yar ka dib waxa la dhisay dawladii ugu horaysay ee somaliland yeelato. Dawladaasi waxa ragaadiyey khilaafaadkii jabhadii SNM oo toban sanno huursanaa, hawlihii loo xilsaaray way gudan kari waayeen, markii dagaallo hoose ka dhex-qarxeen. Golohoodii wakiiladanu waxa u qabsoomi waayey shirkii, ka dib markii Prof. Ibraahin maygaag samatar oo ahaa guddoomiyihii golaha wakiiladu uu dhawr jeer isugu yeedhay.ย
Shirkii Walaalaynta Beelaha Waqooyi
Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27/Abril/1991-05/June/1991-kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob:
= In Waqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
= In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
= ย In la sugo nabadgelyada Waqooyi
= In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Waqooyi
= ย In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Waqooyi
= Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah. Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd goโaanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxa ay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku.
17-ka Qof waxay kala ahaayeen:
Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye Si weyn ayaa loogu diirsaday xorriyada kow iyo soddon sanno ka dib la helay. Rasaastii farxadda awgeed meelaha qaar cirka loo ganayay ayaa sababtay in ay waxyeello ka soo gaadho dabaal-degayaasha. Goโaannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa: 1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Tix-Raacyo: The Search For Peace oo ay soo wada saareen APD, Interpeace iyo Diiwaanka Dhaxal-reeb Horaad ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Meerisyada Taariikhda (V.1)โฆโฆโฆ.Cali Qoryooley |