Xisbiga Waddani: Muxuu La Hurdaa? (WQ: Cabdifataax Xasan-Barawaani)

Wixii ka dambeeyay doorashadii Noofenbar ee sannadkii 2017, waxa ay su’aal weyni dul saarantay kaalintii mucaaradnimo ee xisbiga Waddani uu u taagnaa! In xisbigu uu sito magac mucaarad, booskaasna lagu ogyahay, doorashana la galo xisbi xukuumi ah sida Kulmiye iyo asaaggiis, waxa aad uga muhiimsan xisbigu in uu kaalintiisa iyo waajibkiisa uu si qumman u guto. Shakiga Waddani aad looma dhaadanayn, ama indhaha ayaa la iska tuurayay sannadihii hore iyo markii uu urur siyaasadeedka ahaa. Xilligaas oo uu xisbiga Waddani gacan ka helayay xukuumaddii Axmed-Siilaanyo, oo ay hore u soo wada xulafoobeen Cabdiraxmaan Cirro; maaddaama si wada jira loo mucaaradsanaa xukuumaddii UDUB ee Daahir Riyaale. Beryahaas in xisbiga Kulmiye ama xisbiga UCID uu helo siyaasi la hayb ah raggii ‘Dhablibaax’ la baxay ee UDUB ka buuxay, oo haddana mucaarad ah waa ay adkeyd. Balse Cabdiraxmaan Cirro meel aan la dhaadanayn ayaa uu mar keli ah mudh ka soo yidhi, isaga oo gacan weyn ka helaya Faysal Cali Waraabe iyo Axmed-Siilaanyo.

In kasta oo ay adkeyd in Golaha Wakiillada loo dhiibo Cabdiraxmaan, oo ay mashaqo ka badan ka mareen arrinkaas, haddana ragg iyo kaadiriin mucaaradnimo ka dhab tahay oo meeli u caddahay baa ay ahaayeen. Waana ku fadhiisiyeen, iyada oo UDUB iyo qamaamuurtii Cawil, Sulub, Bullaale, Warancadde, Cabdillaahi-Cirro, iyo boqolaal kale ay indhahoodu shan yihiin oo diiddanaa in Cabdiraxmaan uu ku soo baxo. Cabdiraxmaan Cirro oo ah nin qunyar socod ah, afgaaban, qabow oo aan soo jabhadeyn, haddii aannu heleen xiniinyihii Faysal iyo Siilaanyo, waa hubaal in uusan haweysteen ama hanteen kursigaas. Dhanka kale, kolkii Kulmiye uu ku guuleystay talada Soomaalilaan, waxa hortaallay arrimo badan oo ay ka mid ahayd furistii ururrada iyo doorashooyinkii, gaar ahaan middii Deegaanka oo ay 2002 ugu dambeysay.

Xisbiga UCID dhexdiisa oo u kootaysan Faysal, jid iyo jiho diidna ahaa, Cabdiraxmaan waa ay ku adkaatay in uu ka soo dhex baxo oo hankiisa muujiyo. Waa midda ku qasabtay in uu ururradii siyaasadeed ee la furay isaguna uu dhankiisa ka furto. Su’aasha iswayddiinta mudan waxa ay tahay Waddani iyo Cirro berigaas maxaa lagu doortay oo ay kaga duwanaadeen urur-siyaasadeedyadii kale? Waa su’aal adag runtii oo rogrogid badan u baahanaysa. Balse, aynnu dhawr dhinac ka istaagno. Hubaal xisbiga Waddani wuxuu taageere iyo xaglin badan ka helayay xukuumaddii Axmed-Siilaanyo, ujeedka xukuumaddaasi ku dooranaysay Waddani waa arrin kale naftiisu, laakiin taasi waa shaki la’aan oo sida dharaarta ayay u caddeyd.

Iyada oo Cirro naftiisu aannu hawl yareysan, oo uu aad uga abaabul, adkeysi iyo sabir badnaa dhiggiisii sida Gaboose oo kale. In kasta oo uusan Gaboose ku gaadhayn adayg, waaya’aragnimo iyo bisayl fara badan, haddana waa ta kale e, Kulmiye kolkii uu talada ku guuleystay deegaanno badan oo uu heshiis iyo curfi siyaasadeed kula jirey ayaa uu afka ciidda u daray; oo ay ugu mudnaayeen Balligubadle, Caynaba, Gar’adag iqk. Dadkaasi waa kuwii uu kaalinta weyn ka helay xisbiga Waddani, iyaga oo ka hiilinaya Kulmiye iyo asxaabtii kale. Sida oo kale; kolka la fiiriyo waaqicii markaas, gaar ahaan shirkii buurta Daalo ee deegaan hoosaadka Cirro iyo Gabboose, waxa dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan ba aad loo xoojinayay Cabdiraxmaan, oo ka cusbaa Gaboose oo hore u dhacay 2002. Beesha labada musharrax oo darkii UDUB raacday, cidda keli ah ee ay haysteen waxa ay noqotay Cirro ama Gaboose.

Gabboose, mushkiladdiisu waxa ay ahayd in uusan ahayn siyaasi sabir adag lahaan kara oo meesha uu ku qoyo ku qallajisan kara, sababta oo ah 1997 isaga oo wasiir daakhili ah ayaa uu 2002 xisbi furtay oo uu hadhay, haddana Kulmiye oo mucaarad ah ayaa uu ololeyahan u noqday ka hor doorashadii 2010, ka dibna haddana uu wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddii Siilaanyo noqday. Haddana, 2012 markii ururrada la furey ayaa uu urur furtay oo haddana hadhay mar labaad. Isbeddelladaas iyo dhaliilahaasi waa kuwo keenay in Cabdiraxmaan looga janjeedhsado oo isagu aan xisbi kale gelin, gole fulin oo UDUB iyo Kulmiye toona gelin. Cabdiraxmaan-Cirro wax u diidayay in uu UDUB xil fulineed ka doonto ma jirin, Kulmiye markii uu guuleystay 2010 in uu xil fulineed ka doontana wax u diiddanaa ma jirin, balse haddii uusan ku adkeysan lahayn mucaaradnimadiisaas ma kula tahay akhriste in maanta halka uu joogo uu soo gaadhi lahaa? Warcelintan qof kasta oo maan fiyow leh waa garanahayaa, oo dabcan sabirkiisa badan ayaa keenay in aannu Cirro ku lugo’in xil fulineed oo hadhow mustaqbalkiisa siyaasadeed caqabad ku noqonaya, ama waqti badan ka ridaya.

Isku soo wada xooriyoo, xisbiga Waddani waxa uu ka qeyb noqday saddexda xisbi Qaran ee Soomaalilaan, kuwaas oo galey doorashadii 2017. Dib aan u yara noqonno; doorashada madaxtooyadu waxa ay ku beegnayd 2015 in la qabto, golaha wakiilladana in la qabto 2010, halka 2017 ay ku beegnayd in la qabto golayaasha deegaanka ee la doortay 2012. Xisaabtu sidaas baa ay ahayd. Balse, Soomaalilaan oo ehel u ah muddo kordhino aan wax faa’iido ah ku jirin, kolka laga tago damaca qofeed iyo habacsanaanta xukunka jira markaas ayaa keentay in maanta halkan la soo gaadho sannadka 2021, iyada oo dirqi iyo tu Alle lagu qabtay keli ah doorasho madaxtooyo 2017, oo mugdi badani na ku jirey. Mar wal oo aad tahay xisbi mucaarad ah waxa ay kuugu badisaa doorashooyin hor leh oo si joogto ah loo qabto; halka mar kasta oo aad xukuumi muxaafida tahay ay kuugu badiso doorashooyin raaga iyo dib-u-dhigis. Waa laba aragtiyood oo isku liddi ah, khatar na isku ah, balse waa wax loo baahan yahay oo is taxaddi gareynta iyo loollanku waa ba waxa loo kala yahay mucaarad iyo muxaafid.

Haddaad iska gaabsato adiga oo mucaarad ah, waa ninkii seexdaa sacii dibi dhaley. Haddaad iska fududeyso wax kasta adiga oo muxaafid ah na, taasi waa u jilicsanaan iyo nacasnimo siyaasaddaada. Xisbigii UDUB oo muxaafid ahi, waxa la odhan karaa si adag baa uu u gutay waajibkii xukuuminimo oo Kulmiye meel baa uu saaray intii hore, halka Kulmiye isna kaalintii mucaaradnimo uu si adag u gutay oo aan ilaa maanta la haynin cid sidiisii wax u mucaaradday. Halka se la yaabka leh waxa ay tahay waxa hurdada dheer iyo cajsiga geliyay UCID oo isaga laga ba quustay, iyo Waddani oo isagu cusub?

Doorashadii madaxtooyada ee ku beegnayd 2015 in laga dhigo 2017 waa mid ka mid ah waxyaabaha lagu dayay in Waddani wax walba oggolaan karo. Waa run in waddanka abaaro ba’an ka jireen, laakiin gilgilka xukuumaddu ugu yaraan wax laba sannadood ka yar baa uu isugu biyo shuban lahaa, waaba haddii kordhintu tahay wax u qalma xisbi mucaarada oo uu aqbali karee. Ma mudnayn in la aqbalo. Haddii 2015 la qaban waayay, in 2016 horraantii iyo dambeysadii la dhaafto ma ahayn, haddii ay dhaaftana in horraanta 2017 ay dhaafto ma ahayn oo ay u dhacdo sannad dhammaadkii (Noofembar 2017). Dabcan, kama duwanayn iyada oo la qabtay 2018, sababta oo ah sannadkaas buu ba iska ahaa si dabiici ah. Haddii ba se ay dhacday in wax ku dhow saddex sannadood ka dib doorasho madaxtooyo la galo, muxuu kaga beddeshay Waddani markaas xukuumaddii Axmed-Siilaanyo? Ma mudaharaadyo waaweyn iyo isu soobaxyo loogu quus goynayo doorasho Waddani heli waayo ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Soomaalilaan? Ma doorasho wakiillo ayaa la qabtay? Ma doorasho gole deegaan ayaa la qabtay? Waqtiga intaas le’eg Waddani ma wuxuu ka faa’iidaystay oo keenay siyaasad lagu furfurayay isbahaysigii dhaqan iyo dhaqaale ee Kulmiye ku taagnaa? Ma UCID ayaa uu la xulafoobay si loo gilgilo xukuumadda iyo wixii raacsanba? Hal mid uun baa u muuqatay shacabka oo ahayd in Waddani iska fadhiyo oo aannu wax badan oo macno u leh siyaasaddiisa markaas, berri iyo mustaqbalka haba yaraatee qabanin.

Maanta, tolow ma dareemay xisbiga Waddani raadka ay ku yeelatay mustaqbalkiisa ka faa’iidayn la’aanta waqtiga iyo fursaduhu? Doorasho gole deegaan oo muddo dhaafi waxa ay Waddani indhaha u furtay kolkii uu arkay doorashadii 2017 sida magaalooyinka waaweyn looga ga adkaaday ee awooddii golaha deegaanka iyo hantidii ba loogu adeegsanayay taageeridda Kulmiye iyo guuleysigiisa. Haddii doorashada golayaasha deegaanka la qaban lahaa ka hor ta madaxtooyada, xisbiga Waddani, waa ay u sahlanaan lahayd ku gacan sarreynta magaalooyinka waaweyn. Xisbiga Kulmiye iyo doorashadiisii 2010 waxa ugu weyn ee kaaliyay waxa ay ahaayeen saddex wax; hoggaamin adag oo Siilaanyo la mid, isbahaysi dhaqan iyo dhaqaale oo Gar’adag iyo Gebiley ah iyo qabsashada golihii wakiillada ee 2005. Haddii aannu Kulmiye ku gacan sarreyn lahayn golaha wakiillada wax badani uma suurtagaleen oo guushiisha sabab u ahaa.

Balse, xisbiga Waddani gole deegaanna ma gelin, gole wakiillana ma gelin, isbahaysi dhaqan iyo dhaqaale oo la taaban karaana ma jirin. Iyada oo si indho la’aan ah loo muddo dhaafiyay golayaasha deegaanka iyo wakiillada, haddana wakiillada kolkii uu Cabdiraxmaan Cirro wareejinayay xilka guddoomiyaha golaha, doorasho ayaa ka dhex dhacday gudaha golaha. Ogos 06, 2017 ayaa shirguddoonka goluhu qabtay doorashada guddoomiye cusub; oo ay ku tartameen Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle (Xisbiga Waddani) iyo Baashe Maxamed Faarax (Xisbiga Kulmiye), iyaga oo kala helay 38 Talyanle ah iyo 39 Baashe ah. Waxa se arrinku ahaa oo xaqi ma qarsoomee feedhaha ka caddaaday in 39 cod uu helay Talyanle, halka Baashe uu helay 38 cod. Is dhaafkaas dhacay, oo isla maalintii doorashada golaha iyo maalmihii ka danbeeyay soo ifbaxay. Xildhibaannadii 39 ahaa oo la soo bandhigay, iyagii oo caddeeyay, sawirro laga hayo, muuqaallo, oo si rasmi ah u sheegay in xildhibaanka ay u codeeyeen uu yahay Talyanle ee uusan ahayn Baashe.

Hore ayay Soomaali u tiri ‘Meeshaad awr ku deyayso, irbad baa lagu deyaa’. Xisbiga Waddani sidaas oo kale wax u eg ayaa lagu sameeyay. Ugu horrayntii ba waxa lagu deyay in laga xoogo guddoomiyaha golaha wakiillada, isaga oo og oo soo indhacad. Wax tallaabo ah oo uu qaaday ama ka muujiyay arrinkaas ma jirin. Isku ma ba lurin. Meesha laga xoogay guddoomiye gole wakiil, in wax wal ba laga xoogi karo miyaan la suureysan karin?

Dhanka kale, kolkii la gelay doorashadii 2017, ka hor doorashada iyo maalintii doorashada ba waxa soo ifbaxay oo si qaawan oo aan la dedin dibadda ugu soo baxay gacma-gacmaynta, boobka iyo ku tumashada shuruucdii doorashada iyo kalsoonidiisii komishanka doorashooyinka. Taageerayaasha xisbiga iyo dadka kale ba laba wax baa iskaga khaldan oo iskaga mergan, midi waa natiijada doorashada iyo codka rasmiga ah ee saxda ah, midi na waa caddaaladda farsamada iyo isku waafaqidda doorashada. Xisbiga awooddii dawladeed loo adeegsaday ee isugu jirtay dhaqaale, ciidan iyo hay’ado madaxabannaan ba, muraaqibiintiisii jeelasha lagu gurey, qaarkood dibadda loo soo tuurayay, buugaagtii codeynta la musuqay, xubnihii komishanku Kulmiye si badheedh ah ugu adeegaya oo caddeymihii warbaahinta loo soo bandhigay ee wax alle wixii la doono lagu la dhaqmay, maxaa la gudboonayd in uu sameeyo? Kolkii doorashada lagu dhawaaqay ma in uu si fudud u aqbalo ayay ahayd? Ma se ahayd in uu natiijada ka hor ba qaadaco doorashada? Waxa se la yaab lahayd sida uu xisbigu laba hadal oo is khilaafsan ugu wadahadlay mar qudh ah; komishanka doorashada kalsoonidii waan kala noqday, oo kuma qanacsani doorashada uu qabtay, oo waa lagu shubtay iyo doorashadii uu qabtay waan oggolahay oo waan u tanaasulay Kulmiye guushiisa, sidee isu qaban kartaa? Waxa aynnu odhan karanaa Waddani dhaqan-siyaasadeed cusub baa uu ku soo daray siyaasadda Soomaalilaan oo ah, doorashada gal, natiijada diid, laakiin iska oggolow guusha cidda kula loollamaysa oo u ‘tanaasul’.

Sida oo kale, xisbiga Waddani maadaama uu komishankii doorashooyinka qaranka (KDQ) kala noqday kalsoonidii, ismariwaa baa ka dhex socday ilaa muddo laba sannadood ah. Iyada oo qolo weliba ay dhankeeda is giijinayso, oo la isla gudhinayo; xisbiga Waddani wuxuu Noofenbar 17, 2019 ku dhawaaqay in maalinta berri (18-Noofenbar) ah uu jiri doono isku imaad xisbiga iyo taageerayaashiisu oo ka dhici doono xarunta dhexe ee xisbiga, oo ku taalla New Hargeysa. U fiirso halkan, lama odhan mudaharaad baa ka dhacaya xarunta iyo xaafaddaas. Keli ah isku imaaatin ayaa uu ahaa. Isla habeenkii ba waxa si badheedh ah loo xidhay labadii sarkaal ee xisbiga ugu sarreeyay, kolka laga tago guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen oo ah afhayeenkii xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo xoghayihii guud, Khadar Xuseen Cabdi. Hargeysa lagu ma xidhine, isla habeenkii ba waxa loo dhaadhiciyay jeelka Mandheera. Looma yeedhin, lama baadhin, maxkamad lama geynin, dacwad lagu ma oogin, sidii adhiga ayaa aayar la qafaashay oo Mandheera lagu hubsaday. Sidee labadii sarkaal ee xisbiga ugu sarreeyay la iskaga xidhi karaa sharci iyo eed la’aan? Waxa kale oo yaabkeeda lahayd in isla habeenkii ba xaruntii berri lagu ballansanaa, afarta dhinacba dhagaxaan lagu gooyay, si aan loo gelin, wixii shaqaale iyo ilaalo joogtay xarunta na la dareeriyay, wax na la xidhay.

Aroortii baa xisbigii oo guuraya uu isku qaaday xaruntii, is rasaaseyn iyo is khilaaf ka dib, xaruntii baa ay galeen masuuliyiintii xisbigu. Keli ah waxa ay guul u arkayeen in xaruntoodii ay xaqa u lahaayeen ee xisbigu lahaa, weliba xaruntii dhexe ahayd ay saaka furteen. Waxoogaa warbaahinta waa laga dhalleeceeyay falkii xukuumaddu ku kacday ee xarunta loo go’doomiyay, saraakiisha xisbiga na loo xidhay. Yaab! Kolkii wax ku dhow laba toddobaad la iska haystay, ayaa la iska soo daayay. Bes. Tani waxa ay noqotay mid xisbiga Waddani loogu quus gooyay. Mudaharaad baad sheegtaye, bal car is dhaqaaji. Xisbiga oo maalmahaas dadku is lahaayeen wuu diiray, oo mucaraad adag buu noqday, oo waa soo noolaaday, falkaasi markuu dhacay quus mooyee wax kale kama ay qaadin. Xisbiga heer qaran ah ee xoghayihiisii guud iyo afhayeenkiisii la xidhay, ma guddoomiyihiisa ayaa wax la iskaga tirinayaa? Xaasha’.

Dani ku baday e, komishan cusub waa tii la sameeyay, xubnihii qolo weliba soo magacowday, la isku mari waa, shuruudihii baanay buuxin, sidaa ma ahayn, kaasuu ahaa mayee, ugu danbeyn waa tii sandulle golaha wakiilladu ku ansixiyay. Madaxweyne Biixi na uu hadal la’aan ku dhaariyay. Cabdirashiid-Riyaraac oo Waddani si ba’an u diiddanaa, waa tii sidii igadh maqaar lagu toley oo kale la oggoleysiiyay. In kasta oo gorgortan beesha caalamku soo kala dhexgaley, haddana marmarsiyo lama waayee, xisbiga Waddani komishankii uu kalsoonida kala noqday iyo kii cusbaa baa oo waxoogaa caddaan ah lagu dhex milay baa la isku waafaqay. Doorashana waa loo jihaystay. Miskiin baa misko la fuulo leh e, maanta xaaladdu halkee ayay maraysaa? Waddani iyo mucaaradka kale ma doorashay u socdaan? Ma doorasho uu Kulmiye turubka baandheeyo, deedna u qeybiyo ayay ka qeybgalayaan, iyaga oo aan juuq odhan karin?

Xaalka mucaaradku waxa uu marayaa in la iska xidhayo musharrixiintoodii. Qaasin Aadan Saleebaan oo xisbiga Waddani uga sharraxnaa gobolka Sool. Sida oo kale lagu raadjoogo, gurigeediina la weeraray oo laga waayay Kubra Xasan Maxamuud oo isla xisbiga Waddani uga sharraxan gobolka Togdheer, ahna gabadha keli ah ee Togdheer uga sharraxan. Iyaga oo doorashadii sugaya oo wax walba u dhanyihiin ayaa si fudud xabsiga loogu taxaabay. Xataa waxa loo diiday in la booqdo, xisbi iyo qoys ba. Waxyaabaha lagu eedaynayo waxaa ka mid ah in ay tageen Muqdisho, oo siyaasiyiin la kulmeen, ama dad qoys iyo qabiil ay wadaagaan la kulmeen, iyo in ay jaaliyadaha qurbaha ee qabiillada qaarkood Koonfur degaan qeyb ka yihiin. Musharraxiin dhan oo xasaanad leh, oo xisbi heer qaran ah ku meteli doona golayaasha, in sidaas loogu soo kaadi tegaa waxa aynnu odhan karnaa ishooda ayaa laga arkay. Waxa intaas dheer in xisbiga UCID laga xidhay musharrixiin gobolka Maroodijeex uga tartamaya oo ay qaarkood madaxweynaha isku ardaa yihiin, oo kala ah: Raage Axmed Yuusuf iyo Maxamed Axmed Jaamac iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Faro. Laba cali isma wayddiin karto, tallaabana ma qaadi karaan xisbiyada mucaaradku.

Arrinta qof kasta oo muwaadin, oo maskax furan lehi iswayddiinayaa waxa ay tahay haddii Muqdisho tegisteedu xaaraan tahay, ama dembi tahay, ama qoyskaaga qaarkii iyo tolkaa aad kala xidhiidhaa ama la kulantaa, maxaa musharrixiinta Kulmiye ee halkaas tegay ama lagu ogaa loo xidhi waayay? Waa su’aal fudud, sababta oo ah arrintani kama duwana muraaqibiintii xisbiga Waddani ee la xidhayay 2017, iyo saraakiishii sare ee xisbiga oo 2019 la xidhayay. Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax oo Muqdisho iyo Koonfurta ba si joogto ah ugu xidhnaa intaannu musharraxa noqon, maaddaama Kulmiye uu iska sharraxay cid xidhi karta ama wax ka sheegi kartaa ma jirto. Sida oo kale ragga uu ka midka yahay Cabdirashiid-Riyaraac oo hore xil uga soo qabtay Soomaaliya, Muuse Biixi, wuxuu ka dhigtay guddoomiyaha guddida doorashada. Cabdiraxmaan X. Ismaaciil Haaruun oo xisbiga Kulmiye uga sharraxan gobolka Sool, wuxuu hore muddo siddeed sannadood ah uga mid ahaa baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. Waxa kale oo xukuumadda Kulmiye iyo musharrixiinta xisbiga Kulmiye ba ka buuxa, akhyaar qaarkood ka qeybgaleen caleemasaarkii madaxweynaha Jubbalaan ee Axmed-Madoobe, iqk.

Ugu dambeyn, runtii dhaliilo xooggan oo aan qarsoomi karin iyo ceeb baa dul saaran xisbiyada mucaaradka oo uu Waddani ugu horreeyo, oo kaalintiisii gabey oo aan gudan karin. Waa la yaab iyo amakaag in xisbi sidaas loogu tumanayo uu haddana sheeganahayo 40% in uu helay codka Soomaalilaan. Ma sidan la arko ayaa xisbigu 40% ku metelaa oo u taaganyahay? Ayaandarro weyn weeyaan in dad xasaanad leh oo saraakiil leh, oo xildhibaanno leh, oo taageerayaal leh in sida adhiga la iska xidhayo markii la doono, haddii laga dhex arki waayo danaha xisbiga muxaafidka iyo xukuumadda. Tani kama duwana haddii Cirro is dhaqdhaqaajiyo oo ka gilgilsho sharcidarrada lagu hayo, in isagana si fudud xabsiga loogu taxaabi doono. Sababto oo ah kolka maanta shacabkii, saraakiishii, musharrixiintii xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay la iska xidhanayo ee aannu hal tallaabo qaadayn; oo markii la iska soo daayana aannnu iskuba lureyn arrinka, maxaa ku qasbaya in qofkaasi berri uu isna ka gilgisho haddii Cirraba berri ka maalin lagu tuuro jeelka? Waxba.

WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Email: barawaani@yahoo.com

Kampala, Uganda