“innaguma waajib ah oo kaliya hambalyada iyo bogaadin 30sandoodInn baarka ka jaray ee waxa inagu waajib dib u eegista dhab ah, 30sandood ee inoo dhamaaday si aan u helo 30 soo socad haddii rabbi idmo inaan meel ka wanaagsan halka aynu joogno maanta u gaadhno iyo guul dhameystir oo ummadeed “
Waxaynu dib u eegis ku sameeynay 30 sandood oo aynu ku sugneyn dhiig-baxa dhawac , dhimasho iyo qaxitaan nooc walba ahaa dad iyo duunyaba . Go,aan ayeynu ku gaadhney inaan wadda hore la qaadin karin laguna sii socon karin balse ay haboon tahay inagunna waajib tahay mid kale oo inoo surto-gelineysa Nabad Nolol iyo waddajir iyo waxwadda lahaansho inaynu qaadno .
Waa ku dhaqaaqnay si kasto dheeli iyo dhawac innooga horyimadeen. Waxaynu gaadh Maanta 30kii hore 30dan kale oo aynu waddii danbe go,aanka aan ku qaadanay hayney . Waxa Maanta mar kale innagu waajib ah mar labaad inaan dib waxa isagga weydiino si la mid ah 30kii hore . Sidda awdeed 30 guuraddan 2021 waxa inoogu lifaaqan dib u eegis dawladnimadeen iyo hanankeeda oo kala labba qaybood mid ummada ah iyo mid Dawlada dhiska ah oo ka faracamaya qayb last iyo kadin kasto Aas aasiga Dawlanimadah ah iyo kafeynta Nolasha Ummadda ah . Tusaale ahaan taladii iyo go,aankii la qaatay 1991 maxaa ka hirgelay sidda wadda lahaansha dawladnimada si guud ahaaneed ? Maxaynaan qaban ee aheyd inaan qabbano ? Go,aankii la qaatay ma u fulay sidii waddarta ahayd loo wadda qaatay mise laaxinba galay ee ummadu isugu wadda raacday ? Waxa kasto oo aynu kagga cabanay qabtii midowga dhicisoobay ama aan hirgelin siddii uu qorshu ahaa inna dhex maray ma hirgelnay wax ka duwan mise waxa aan ku dhaqaaqnay mid la qaab ah ama falgal la yeelan karra?!
Sababtada dawladnimadeen guud ahaan Addunku ugu qanci-wayay maxay tahay 30 sandood oo aynu nidaam iyo heykal dawladnimo oo aan in badan Aduunka ka jirin aynu hirgelinay oo weliba hufnaan dheer tahay ?
Waxa innaga khaldamay wax kasto ay yihiin 30 snadood ee aynu goonidda nahay sidee ayaan u saxnaa oo laaxinka uga saarna ? Xududa Dalkeena aynan 30sandood gacanta kuwadda qaban in badan dalkeen ah aanu nidaamka dawlanimad gaadhini maxaa talo ah oo innooga meel taal ? Goboladda iyo degmooyinka ka biyo-diidan gooni-istaagga wadadee igu wanaagsan oo diidmadood xal ugu heli karra? Siddee ayaan u sii xoojin-karra dhismaha guud ee ummadnimo iyo ka dawladninomo ? Waxa kasto Maanta Jamhuuriyada Somaliland iyo ummaddeed ahaan xaquuq oo inagga maqan wadadee ayaan ku heli karra ?
Qof kasto Muwaadin ah oo Jamhuuriyada Somaliland ah waxa ku waajib ah inuu su,aalahan iyo kuwo ka sii waa weyn ka fakero isla markaan soo ban-dhigo si aan u helo tallada maan-galka ah iyo wadda igu haboon ee innagu waajib inaan ku hirano 30sanadaha soo socota markaan horseedki karra waxa kasto ah caqabada dalkeen iyo ummadda ahaan inoo gaar xal waara ugu heli lahayn . Sidda ila quman ,Innaguma waajib ah oo kaliya hambalyada iyo bogaadin 30sandood baarka aynu ka jaray ee waxa inagu waajib dib u eegista dhab 30kaa inoo dhamaaday si aan u helo 30ka soo socda haddii rabbi idmo inaan meel ka wanaagsan gaadhno iyo guul dhameystir oo ummadeeda iyo Dawladeedii”
WQ: Abokor Ismaaciil Maxamuud)