Muslimiinta Nayjeeriya waxay diideen xeer simaya dhaxalka ragga iyo dumarka

Sheekha ugu sarreeya culimada Muslimiinta Nayjeeriay waxa uu ganafka ku dhuftay xeer cusub oo dhigaya sinnaanta ragga iyo dumarka, kaas oo la doonayo in lagu simo saamiga dhaxalka ee ragga iyo haweenka.

Suldaanka Sokoto, Maxamed Sacad Abuubakar, ayaa sheegay in aanay Muslimiintu yeeli doonin ku xad gudubka sharciga Islaamka ee dhaxalka ragga u badiyey.

Ururka ugu wayn ee Masiixiyiinta Nayjeeriya waxay soo dhaweeyey xeerkan waxaanay sheegeen in ay diintoodu ogoshahay in ragga iyo dumarku dhaxalka u sinaadaan.

Nayjeeriay waa dal bulshadiisu diinta ku dheggan tahay oo qiyaastiina ay Musliimta iyo Masiixiyiintu laba qaybood oo isleeg yihiin.

Isagoo ka hadlaya xaflad loo qabtay Qur’aan akhris oo ka dhacday waqooyiga gobolka Zamfara, ayaa Suldaanku wuxu yidhi:

“Diintayadu waa hab-nololeedkayaga oo dhan, sidaa awgeed yeeli mayno talaabo kasta oo la doonayo in lagu bedelo wax Alle noo banneeyey.”

Sheekhu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray:

“Islaamku waa diin nabadeed, nabad baanu kula noolayn Masiixiyiinta iyo dadka diimaha kale haysta ee dalkan ku dhaqan. Sida awgeed waxa muhiim ah in la noo ogolaado in aan diintayada si buuxda ugu dhaqanno.”

bandhige@gmail.com