Raysal-wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netenyahu, ayaa cambaareeyey hadal uu jeediyey xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry, kuna tilmaamay mid eex ah oo aad u dhaliilayey dalkiisa.
Wuxuu sheegay in Kerry si talax tag ah diiradda u saaray deegaamaynta Israa’iil laakiinse aanu waxba ka odhan gardarrada iyo xasaradda Falastiiniyiinta.
Kerry wuxu hadalkiisa kaga digay deegaamaynta Yuhuudda oo uu sheegay in ay carqaladaynayso xal loo helo colaada labada dawladood ee Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda.
Wuxuu sheegay haddii la doonayo in dawladd qudha ay wada yeeshaan in ay tahay in Israa’iil noqoto laba mid kood oo ah dawlad dimuqraadi ah ama mid Yuhuudeed, balse aanay labadaa wada noqon karin oo aanay nabad ku helayn.
Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa isna sheegay in uu diyaar u yahay in wada-hadallada nabadda uu dib ula bilaabo Israa’iil haddii ay joojiso dhismaha guryaha deegaamaynta ah.
Sidoo kale Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa wuxuu meel mariyay qaraar uu ugu baaqayo in la joojiyo deegaameynta sharcidarada ah ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiin.
Kadib markii qaraarkaasi ay ansixiyeen Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa waxay Israa’iil safiiradii u fadhiyey waddamada ku jira Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey oo uu ku jiro Maraykanka oo qaraarkaas ka aamusay.
Dhanka kalena Israa’iil waxay xidhiidhka u jartay Qaramada Midoobay, kadib markii ay ansixiyeen qaraarkaas.