Dhawar iyo labaatan sanno kadib oo aan la noolaa mushkiladaha iyo horumarka jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha dagan waxa aan ku doodayaa in mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha degani ay ku xidhan tahay in isbadal lagu sameeyo hoggaanka jaaliyaddaha Soomaaliyeed. Waa in dhaliinyaradii ka badbaaday mushkiladiha qurbaha ee aan kaga hadalay barmaamijyadii kan ka horeeyay ay qayb muhiim ah ka noqdaan hoggaaminta jaaliyadda.
Barmaamijkan oo ah barmaamijkii ugu danbeeyay ee barmaamijyo afar ah oo aan kaga hadlay noocyada dhaliinyarad qurbaha aan u bixiyay “Xal-haye – Noocyada dhaliinyarada Soomaalida Qurbaha” aan kaga hadli doonaa mawduucan.
Daawasho wacan: