Guddoomiyaha Waddani wuxu ugu baaqay xukuumadda in ay xoojiso awoodaha Baanka Dhexe

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii u horaysay waxa uu ka hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay xukuumadda Somaliland ee ku aadanaa sicir-bararka iyo go’aamidii lagu xadidayey lagu isticmaalka adeegyada Zaad iyo E-dahab ee shirkaddaha Telesom iyo Somtel.

Cabdiraxmaan Cirro oo shalay wareysi siiyay telefiishenka HCTV waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay adeegyada Zaad iyo E-dahab, kuwaasi oo uu sheegay in ay horumar balaadhan ka geysteen geyiga Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xukuumaddu go’aamo ayay soo saartay oo waa run waxaan is leeyahay awooda ugu weyn ee wax-ka-qabashada u baahan maanta waa in la awoodeeyo Baanka Dhexe, oo baananka dhexe dunidu waxay xukumaan dhamaan lacagaha ama siyaasadda lacagta ee dalkaas, markaa marka waxaan xukuumadda ugu baaqaynaa in awoodiisii loo soo celiyo baanka dhexe.”

Waxa uu Cirro sheegay in bangiga dhexe ee Somaliland ay awoodiisii hoos u dhacday tan iyo markii ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegtay, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Markii ay xukuumadda Kulmiye timid waxa caddaatay in baanka dhexe awoodii maamulista lacagta adag lagala wareegay.”

Waxa uu guddoomiye Cirro isagoo ka hadlaya shaqada baanka dhexe looga baahan yahay tahay uu yidhi:

“Dee baanku waa in uu marna Doolar soo geliyaa, marna shilinka geliyaa si loo dejiyo qiimaha lacagaha. Waa in xukuumaddu iyadu ay dhiirigelisaa isticmaalka shilinka Somaliland, oo cashuuraha ku qaadaa, oo qandaraasyada ku bixisaa oo dhammaan adeegyada kale oo dhana ay shillinka Somaliland ku istcimaashaa.”

Cabdiraxmaan Cirro oo wareysi siiyay telefiishenka HCTV  waxa uu soo dhaweeyay kaalinta ay adeegyada E-dahab iyo Zaad-ku kaga jiraan horumarka Somaliland, waxaanu yidhi:

“Waa inaynu ka fikirnaa dadkii waxa ay u tareen. Ma sicir-bararkii ayay ka qayb qaateen. Adeegyada E-dahab iyo Zaad waa adeeg dalal badan oo inooga horeeyayna ay isticmaalaan oo tobaneeyo sano isticmaalayeen, si cilmi ah looma xaqiijin in adeegyadaasi ay ka qaybqaataan sicir-bararka. Somaliland markaan eegno adeegyadaasi dadku faa’iido badan ayay u leeyihiin”. Ayuu yidhi guddoomiye Cirro waxaana mar uu ka hadlayay faa’iidooyinka ay leeyihiin adeegyadani tusaale u soo qaatay lacagaha tabarucaadka ah ee guddida abaarahu ka guraan bulshada guddo iyo dibedba, kuwaasi oo mara adeegyada E-dahab iyo Zaad, “waxaan dhagaysanayay sheikh Maxamed Aadan oo kamid ah guddida abaaraha, waxa uu sheegayay in ganacsadahii ugu weyn ee ka qaybqaata gurmadka abaaruhu uu ahaa adeegga Zaad, taasina waxay inna tusinaysaa in labadaasi adeegba ay yihiin kuwo door weyn ka qaatay gurmadkii shacabka reer Somaliland ee abaaraha dalka ka jira.”

Ugu dambayn Guddoomiye Cirro waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in ay isticmaalaan shillinka Somaliland, waxaanu xukuumaddana ku taageeray hirgelinta isticmaalka shillinka dalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka waraysiga: 

 

bandhige@gmail.com