Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah si muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka.
Wuxuu saxiixay amar guud, sida tallaabooyiin laga qaadayo qaxootiga iyo mamnuucidda qaxootiga Suuriya illaa amar dambe.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qiyaastii 50,000 oo qaxooti ah oo galaya Maraykanka sannadkan 2017-ka, taas oo kala badh ka yar tiradii horey loo qaadi jiray.
Wareysi uu siiyay TV, madaxweynaha wuxuu sheegay in masiixiyiinta Suuriya mudnaanta koobaad la siinayo marka ay soo codsadaan in Maraykanka megengelyo laga siiyo.
Wuxuu ku saxiiyay amarka munaasibad ka dhacday waaxda difaaca ee Pentagon-ka halkaas oo lagu dhaariyay Janaraal James Mattis oo noqonaya xoghayaha cusub.
Intii ay socotay munaasabidda, Trump wuxuu sheegay:
“Waxaan billaabayaa tallaabo lagu kala shaadheynayo muslimiinta si argagixisada aysan Mareykanka u soo galin. Waxaan dalkeena u ogolaaneynaa kuwa na taageeraya dadkeenada aadka u jecel oo keli ah.”
Qoraalka amarka ayaa saacado kadib la shaaciyay, waxaana ka mid ah:
In la hakiyo qaxootiga Maraykanka soo galaya 120 maalmood
In la mamnuuco qaxootiga Suuriya, illaa is bedel muhiim ah laga sameynayo
In 90-maalmood la joojiyo dadka ka soo safraya dalalka Ciraaq, Suuriya iyo dalalka noqday meelaha laga walaaco.
In muhiimadda la siiyo codsiyada qaxootiga oo ku saleysan diin – waana in qofka uu ka soo jeedo dad diin ahaa looga tiro badan yahay dalka ay ka soo jeedaan.
In la qaabilo 50,000 oo qaxooti sanadkan 2017-ka, taas oo kala bar la yar tiradii Obama uu qaadi jiray
Sidoo kale waxaa amarka ka mid ah in lla weydiiyo dadka Marakanka galaya su’aalo lagu ogaanayo sida uu codsiga noqonaayo iyo waxa uu ku soo kordhinayo bulshada.