Muxuu Somaliland uga dhigan yahay ololihii nadaafadda ee aan loo kala hadhin?

Hoggaamiya dhabta ahi (Inspirational Leader) maaha ka gacmaha laabta ee xagga dambe iska fadhiista dadkana ku amra in ay shaqeeyaan, waase ka isagu horseedka u noqda hadba hadafka uu dadka ku hagayo. Taas waxa shalay muujiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Maayar Cabdikariim Axmed Mooge.

Maayar Cabdikariim ilaa intii xilka lagu wareejiyey waxa muuqata in aanu maalina nasan, kuna dadaalayo buuxinta filashada 26kii kun ee qof ee codkooda ugu deeqay. Waxay u egtahay in ay ka go’an tahay meelmarinta hadafkii uu ku celcelin jiray ee ahayd Hargeysa oo nadiif ah oo qurux badan.

In kastoo ay tahay wakhti aad u horraysa in wax laga sheego waxqabadka Golaha Degaanka ee Hargeysa, haddana tallaabooyinka koowaad ee aynu arkaynaa waa kuwa lagu diirsan karo, u qalma in aynu bogaadino, innaguna hagi kara halka durugsan ee aynu ku socono.

Shaqada uu Cabdikariim wadaa may dhiirigelin oo kali ah reer Hargeysa, waxayse carisay magaalooyinka iyo degmooyinka Somaliland. Waxa bilaabmay tartan ay goleyaasha deegaanku ku soo bandhigayaan shaqooyinka ay ku nadiifinayaan kuna qurxinayaan magaalooyinka ay masuulka ka yihiin. Nadaafaddu maaha shaqada kali ah ee ay tahay in dawladaha hoose qabtaan, waase mid ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan ee ay u xilsaaran yihiin.

In uu Madaxweynuhu ka qaybgalo ololihii nadaafadda, isla markaana uu majarafadda gacantiisa ku qabsado, waxay lahayd muhiimad hoggaamineed oo aad u weyn. Waxay iftiimisay sida uu madaxweynuhu u doonayo goleyaasha deegaanku in ay dedaalaan dadweynahana jiheeyaan.

In kastoo maayarku aanu ka soo bixin xisbiga Madaxweynaha haddana waxa muuqata in Madaxweynuhu sida ugu sarraysa oo aan kala-hadh lahayn u dhiirigelinayo ulana shaqaynayo maayar Cabdikariim.

Ficilka madaxweynuhu wuxu inoo sheegayaa in uu fahansan yahay muhiimadda dawladaha hoose iyo abaabulka dadweynuhu ay u leeyihiin horumarinta dalka iyo dadka, sidaas daraadeedna aanay muhiim ahayn in xisbiyo loo kala eego laakiin ay muhiim tahay in shaqadooda lagu garab galo loona soo kala dhawaysto sida ay u kala shaqo wanaagsan yihiin.

Waxa iyaguna xusid mudan dhammaan dadkii caanka ahaa ee ka qayb-qaatay oo ay ka mid ahay Edna Aadan. Waxay ahayd dhiirigelin abaabul dadweyne. Durtaba meelo badan oo Hargeysa, Burco, Gabiley iyo magaalooyinka kale ka mid ah xashiishkii waa laga guray waana la nadiifiyey goobo badan.

Laakiin xikmaddu waxay ku jirtaa sida shaqadan loo joogteeyoo, loo nidaamiyo, loogana dhigo mid istiraatiji ah. Waa in aanay innaga noqon caaddifaddii Soomaalida ee dhawrka maalmood ahayd, waase in dawladaha hoose la yimaadaan istiraajiyado isku xidhan, aragtidooda wata, kolba qayb la fuliyo, shanta sanno ee soo socdana ka dhigi kara caasimadaha Somaliland kuwa nadiif ah oo qurux badan.

Haddii ay sheekadu ku banjarto maalin ama laba ay shacbigu isku soo baxaan xaaladdu sideedii hore ayay ku noqonaysaa, khashinkuna dib ayuu u tuulmayaa. Camalka kiisa ugu wanaagsani waa ka la joogteeyo.

Si kastoo ay tahay, waxa muuqda in dawladaha hoose ee dalka ay shaqo wacani ka bilaaban tahay. Niyad furan ha lagu soo dhaweeyo.

 

“Madhax maleba aadmigu wuxuu kuu mitamiyaaye

Macaluul wax kaagama taraan maal laguu guro e

Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajada e”

 Timacadde

Bandhige@gmail.com