Kooxdii koowaad ee turjumaannadii la shaqeeyey ciidamada Maraykanka ayaa loo daadgureeyey Washington

Waxa Afgaanistaan ka socda hawlgal weyn oo ay dawladda Maraykanku rabto in ay ku samatabixiso dad 2500 oo qof iyo qosaskooda oo iyaguna tobanaan kun ah, kuwaas oo siyaabo kala duwan ula shaqeeyey labaadankii sanno ee Maraykanka iyo xulufadiisu ay dagaalka kula jireen Daalibaan iyo Alqaacida. Dadkaas oo ay Daalibaan u taqaano in ay ahaayeen daba-dhilif Maraykanku adeegsaday.
Maraykanka ayaa ka walaacsan in dadkaas dhegta dhiigga loo daro sidii dhacday bishii May markii ay Daalibaan gawraceen Sohail Pardis oo ahaa turjubaan sannad iyo badh la shaqeeyey Maraykanka.Diyaarad sidaa 221 qof ayaa ka degtay madaarka Washington ka degtay, waxaana la filayaa daabulka dadkan in uu maalmo badan socda.
Maraykanka ayaa Afgaanistaan faaruqinaya ugu dambayn 11-ka September kadib markii ay heshiis gaadheen Daalibaaniyiinta. Waxa laga cabsi qabaa in ay daalibaan toddobaadyo gudahood kula wareegto waddanka oo dhan oo ay ku jirta caasimadda Kabul. 

In kastoo xukuumadda Afgaanistaan loo tabobaray 300,000 oo ciidan ah oo si qalabkooduna u dhan yahay, haddana waxa muuqata dagaalka hadda socda in ay Daalibaan ku gacan sarreeyaan iyagoo qabsanaya marba degmo hor leh.

Waxa kale oo laga walaacsan yahay haddiiba ay Daalibaan gacanta ku dhigto Afgaanistaan, waa sida ay u badan tahaye, 300,000 oo qof oo ciidannimo u tabobaran oo dalka lagu sii daayey xaaladda ka dhalan karta. Si gaar ah waxa u werwersan waddamada jaararka la ah Afgaanistaan.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com