Natiijada doorashada Ugaandha oo la filayo in maanta lagu dhowaaqo

Guddiga doorashooyinka Ugaanda ayaa sheegay in ay ku dhawaaqayaan Sabtida natiijada ugu dambaysa ee doorashooyinka Madaxweynimada iyo kuwa baarlamaaniga.

Doorashooyinka Ugaandha ayaa waxay dhaceen Khamiistii kuwaas oo ay hadheeyeen muranno iyo dibedd-baxyo ay dhigayee mucaaridku kuwaas oo goobo ku yaalla Kampala ay dib u dhaca ku yimid.

Hoggaamiyaha mucaaridka kizza Besigye ayaa sidoo kale isaguna la xidhay oo markii dambe la sii daayey habeenimadii Jimcihii. Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry ayaa waxa uu  walaacsan ka muujiyey doorashooyinka Ugaandha.

Qaar ka mid ah musharraxiinta mucaaradka ayaa sheegaya in doorashadu aysan ahayn mid xor ah. Laakin xukuumadda ayaa ku adkaysanaysa in taasi aysan run ahayn. Madaxweyne Yoweri Museveni waxa la loollamaya 7 musharrax, wuxuuna rajaynayaa in uu sii kodhorsado soddonkii sanno ee uu xukunka hayey.

Natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxaya guddiga doorashada ayaa muujinaya in Madaxweyne Museveni uu haysto in wax yar ka badan 60% codadkii la dhiibtay.

Ninka ugu weyn mucaardka ka soo horjeeda Kizza Besigye, ayaa ku xiga oo haysta 30% natiijadii ilaa hadda lagu dhawaaqay.

Arrinta uu muranku ka taagan yahay ayaa ah in agabkii codbixinta meelaha qaar lagala daahay, taasoo la micne ah in dadka qaar aysan u suurtoobin in ay codeeyaan.

 

bandhige@gmail.com