Guddoomiye Cirro waxa uu Boorama kulay shiray Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameedka beelaha Gabooye

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdillaahi “Cirro” iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan Boorama ayaa waxay maanta kulan la qaatay siyaasiyiinta, odeyaal, cuqaasha iyo dhallinyaro ka mid ah beelaha Gabooye.

Kulankan oo daarnaa is-xogwaraysi ku saabsan labada dhinac, ayaa ay siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Gabooye ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan Guddoomiye Cirro iyaga oo tilmaamay in ay cududooda taageero isku geynayaan Waddani sida oo kalena ay diyaar u yihiin in horseed u noqdaan siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedal dhabba oo guud ahaan dalka ka abuurma.

Guddoomiye Cabdiraxmaan MaxamedCabdillaahi “Cirro” oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Gabooye uga mahad-celiyey taageerada ay u muujiyeen Waddani, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Waddani uu si weyn u dhiiri-gelinaayo jebinta dabarka hayb-sooca ee lagu hayo beelaha Gabooye, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka xisbi ahaan ay hormuud u yihiin horumarinta beelaha Gabooye.

Ugu dambeyntiina, qaar ka mid ah odeyada iyo dhallinyarada beelaha Gabooye, ayaa ciyaar dhaqameed jiib iyo jaan ah ku muujiyey taageerada buuxda ee ay u hayaan guddoomiye Cirro, iyada oo isla goobtaasna uu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” si hufnaan ah uu ugala qeyb-qaatay ciyaar dhaqameeddii ay soo bandhigeen.

bandhige@gmail.com