Midowga Yurub oo cambaareeyey doorashada Ugaandha

Goob-joogayaasha Midowga Yurub ula socday doorashooyinka Ugaandha ayaa waxay cambaareeyeen sida ay u dhacday doorashadii Khamiistii ka dhacday ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka.

Jo Leinen oo ka socday Baarlamaanka Yurub kana mid ahaa goob-joogayaasha caalamiga ah ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay warbaahinta dhexdhexaadimada a tagtay oo ay dhinac u xaglinaysay.

Sidoo kalena waxa uu sheegay in doorashada lagu qabtay jawi cabsi iyo caga jugleyn ay la kulmeen musharaxiinta iyo dadweynuhuba.

Natiijada doorashooyinka ayaa waxa la filayaa in maanta oo Sabti ah lagu dhawaaqo.

Sida la sadaalinayo waxa la filayaa in uu Madaxweyne  Yoweri Museveni ku guulaysan doonno markii shannaad ee uu xukunka qabto, iyadoo natiijada hordhaca ahi ee haatan la hayaa sheegayso in uu helay codadka la tiriyey in ka badan 60%.

bandhige@gmail.com