Madaxweyne Siilaanyo oo laba Guddi u kala magacaabay Icritaaf raadinta iyo qaban-qaabada 18-ka May

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa maanta laba War-saxaafadeed ku kala magacaabay Guddiga qaban-qaabada xuska 18-ka May iyo Guddiga Ictiraaf Raadinta Somaliland.

Labada war-saxaafadeedna waxay u dhignaayeen sida tan:

WAR-SAXAAFADEED KOOWAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3850/022016 ku Magacaabay guddi qaran oo u xilsaaran qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Maalinta Qarannimada Somaliland.

Direetada Madaxweynuhu ku magacaabay Guddida heer qaran waxay u dhignayd sidan:-

  Ujeeddo:       Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

 Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.

Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                           Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                               Guddoomiye Ku-xigeen
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga             Xubin
  4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka             Xubin
  5. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada             Xubin
  6. Maayarka Caasimadda Hargeysa             Xubin
  7. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka             Xubin
  8. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada)        Xoghaye
  9. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada) Xubin
  10. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF)             Xubin
    11.       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF)                                                            Xubin
  11. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD)             Xubin
  12. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO)             Xubin

 

WAR-SAXAAFADEED LABAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta  ayaa u dhignayd sidan:-

Ujeeddo:       Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map). 

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah                Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
  3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia
  4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
  5. Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed
  6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga              Mudane, Cali Axmed Cismaan
  7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda              Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
  8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda               Maxamed Siciid Gees
  9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda              Maxamed Cabdillaahi Cumar
  10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
  11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Axmed Guuleed
  12. Professor, Macalester College, Minnesota             Axmed Ismaaciil Samatar
  13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax
  14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
  15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
  16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde
  17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey.

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.