Nin Hindi ah oo nolosha lagu aasay kadib markii uu god ku dhacay isaga oo sikhraansan

Sida uu xalay baahiyey telefinshanka CNN, nin Hindi ah oo magaciisa la yidhaa Latori Barman ayaa nolosha lagu aasay.

Dad deggen tuulo ku taal badhtamaha Hindiya ayaa Jimcihii arkay gacan ka soo jeedda dariiq cusub oo markaas oon daamurka lagu rogay. Waa ay argagaxeen kadibna dadkii toolada ayaa soo faqay maydkii waxayna u geeyeen xukuumadda. Markii la baadhay waxa la ogaaday in uu yahay Latori Barman.

Latori ayaa la sheegay in isaga oo sikhraansan uu godkan ku dhacay kadibna iskii uga soo bixi kari waayey. Nasiib darro kooxdii dariiqa samaynaysa oo aan arkayn in uu meesha ku jiro ayaa cidda ku rogtay, daamirkiina ku dul goglay, kadibna dul mariyey ruglayda si ay meesha isugu sinto.

Gourav Rajput, madaxa booliiska ee Katni oo ahayd meeshii shilkani ka dhacay ayaa yidhi:

“Meeshu waa ay madoobayd, isaguna waa uu cabsanaa, godkana wuxu ku dhacay isaga oo aan arkayn, iyaguna way ku aaseen.”

Shirkaddii dariiqa samaynaysay ayaa booqatay qoyska Lotari Barma, waxayna siiyeen $760.

Booliska Hindiya ayaa soo xidhay shaqaalihii habeenkii Jimcaha dariiqa ka shaqaynayey, waxana lagu wadaa baadhis lagu kala xaqiijinayo in ay ciidda ogaan ugu rogeen iyo in ay kama’ ahayd.

7,700 oo qof ayaa sannadkii ina dhaafay Hindiya ugu geeriyooday dhibaatooyin la xidhiidha dariiqyo googo’ay, dariiqyo bilaa laydh ah iyo dayac ka yimid xagga xukuumadda oo la xidhiidha nabadgalyada waddooyinka.

Bandhige@gmail.com