Nin Isagoon ka amar Qaadan Minweynadiisa Min Yareystay oo Xabsi La Dhigay

Maxkamad ku taalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan ayaa toddoba bilood oo xabsi ah iyo ganaax ku xukuntay nin la sheegay inuusan xaaskiisa weyn u sheegin inuu xaas labaad guursanaayo. Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in haddii uusan ninkan bixin ganaaxa loogu sii dari doono bil kale oo xabsi ah. Xaakimka maxkamadda qoyska Adnan Liaquat ayaa joojiyay in xukunka lagu fuliyo ninkan wuxuuna siiyay muddo hal isbuuc ah oo uu racfaa ku qaadan karo. Sida ay maxkamaddu sheegtay, maaddaama xukunku yahay wax ka yar hal sano, waxaa eedeysanaha fursad loo siiyay inuu racfaan qaato. Haddii aanu eedeysanuhu tegin maxkamada amaba racfaankiisa la diido, waxaa loo diri doonaa xabsiga.

Maxaa ka dhacay maxkamadda?

Arrintan ayaa soo bilaabatay bishii September 4, 2021, kadib markii haweeney kasoo jeedda magaalada Lahore ay dacwad ka dhan ah ninkeeda u gudbisay maxkamadda, iyadoo sheegtay in ninkeedu uu naag kale guursaday isagoon ka amar qaadan iyada. Haweeneyda ayaa sheegtay in keliya guurka labaad uusan dhicin amar la’aanteed balse xitaa sidoo kale ninkeeda uusan Golaha Midowga dalkaas kasoo qaadan warqadda oggolaanshaha guurka labaad. Waxay intaa ku dartay in ficilka ninkeeda uu ka soo horjeedo sharciga, sidaa daraaddeedna maxkamaddu ay go’aan ka gaarto iyadoo eegeysa sharciga. Intii uu dhegeysigu socday, ninka ayaa maxkamadda u sheegay in guurkiisii hore uu dhacay 24 September 2011, balse dadaallo badan kadib xaaskiisa aysan carruur u dhalin. Si uu u caddeeyo sheegashooyinkiisa, ninka ayaa keenay warbixinta caafimaadka xaaskiisa wuxuuna sheegay inuu daaweyn dhan walba u sameeyay uuna kharashaadka bixiyay, balse uusan weli aabbe noqon, sidaa darteedna uu u go’aansaday inuu guursado. Ninka ayaa ku dooday inuu xaaskiisa weyn ku wargeliyay guurkiisa iyadoo ay goobjoog ahaayeen soddggiis iyo seeddigiisa, inkastoo afka uun uu uga sheegay ee aysan qoraal ahayn.

Wuxuu intaa raaciyay in xaaskiisa ay ka oggolaatay guurka kaddibna uu guursaday bishii March 22, 2021.

Ninka ayaa sheegay sidoo kale in guurkiisa uusan ka qarin labada xaasba, oo minyartana ogeyd inuu xaas leeyahay.

Ku dhowaad saddex sano iyo bar kadib, toddobaadkan ayaa dacwadda la qaaday, maxkamadda ayaana u hiilisay haweeneysa sidaasna xukunka ugu ridday ninka.

Muxuu sharciga Pakistan ka qabaa guurka labaad?

Shuruucda la xiriirka guurka, furriinka iyo arrimaha kale ee qoyska ee dalka Pakistan ayaa waxaa lagu xalliyaa ‘Sharciga Qoyska Muslim-ka’. Sharciga Qoyska Muslimka ayaa lasoo saaray sanadkii 1961.

Sharcigan ayaa qeexaya in ninku uusan guur labaad geli karin isagoo aan oggolaansho qoran ka heysan xaaskiisa weyn, taasoo aan ahayn mid afka ah.

Oggolaanshahaas qoran ayaa laga doonayaa inuu ula tago Golaha Midowga si uu uga soo qaato shahaadada guurka. Golaha Midowga ayaa kadib kulan ka yeelanaya oo ka arrinsanaya sababta ku kallifeysa ninka inuu xaas labaad guursado, haddii ay u arkaan sabab macquul ah ayay oggolaanshaha bixinayaan, haddii uusan la imaan sabab lagu qancana waxaa laga yaabaa inay ka diidaan.

Haddii ninku ii iska guursado isagoo aan shuruucda sharciga ah raacin, waxaa lagu xukminayaa inuu xaal-marin lacageed siiyo xaaska koowaad waxaana laga yaabaa in tallaabo sharci ah laga qaado taasoo xitaa noqon karta ilaa hal sano oo xabsi ah.

Maxkamadda Lahore ayaa sheegtay in maaddaama ninku uusan soo dhammeystirin dhammaanba shuruudaha looga baahnaa kahor inta uusan xaas labaad guursan, lagu xukumayo toddoba bilood oo xabsi ah iyo ganaax.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com