waaxda Indhaha ee Cisbitaalka Hargaysa Adeegyada Ay Bixisay Sanadkii Tegay

Hargaysa (Dawan) Cisbitaalka guud ee Hargaysa ayaa ka warbixiyay adeegyo kala duwan oo sanadkii tegay ay bixisay waaxda caafimaadka Indhaha ee Cisbitaalka guud ee Hargaysa.

Adeegyada waaxdani bixisay ayaa isugu jiray qaliimo, daawayn iyo bixinta qalabka indhaha ee Muraayadaha.

War kooban oo uu soo saaray Cisbitaalka guud ee Hargaysa ayaa lagu faahfaahiyay tirada dadka adeegyada loo qabtay waxaanu u dhignaa sidan

“Sanadkii tagay ee 2023 Waaxda Daawaynta iyo Qaliimada Indhaha (Eye Department) Waxay u adeegtay Bukaano gaadhaya 13066, Waxa Qaliimo loo sameeyay 346 Bukaan, Waxaa Dawooyin Bilaash ah la siiyay 5266 Bukaan, Waxaa Muraayado Bilaash ah la siiyay 512 Bukaan”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com