Nin muddo 26 sanno ah ka fikirayay hal magac, magacaasi muxuu yahay?

 

Waxaa laga joogaa 26 sanno markii burburka iyo kala go’a uu ku yimid dalka Yugoslavia islamarkaana jamhuuriyada Macedonia la yagleelay .

Ilaa xilligaasi dalka cusub ee Macedonia waxa lagu haystay magacaasi “Macedonia”.

Laga soo bilaabo 26 sanno ka hor Matthew Nimetz,oo ah dublamaasi u dhashay dalka Maraykanka waxa uu ka shaqaynayay sidii loo xalin lahaa dhibaatadan.

Matthew Nimetz ayaa sheegay in waqtigiisa 23 sanno uu tallaabo waliba oo uu qaado uu ka fikiri jiray magaca hal erey oo ah “Macedonia”.

Matthew oo 78 jir ayaa waxa uu yidhi isagoo arrintan ka hadlayey:

“Xaqiiqdii waxa aan uga fikiray si ka badan sida uu qof kale uga fikiro oo xitaa ay ku jiraan dadka u dhashay dalkaasi.”

Nimetz ayaa tan iyo 1994-kii, dadaal ugu jiray xalinta mid ka mid ah muranada ugu xasaasisan caalamka, taasi oo ah Gariiga oo ka soo horjeeda islamarkana diidan magaca Macedonia.

Waxa ay sidoo kale Gariiga is hortaageen tan iyo inta laga badalayo magaca Macedonia aysan dalkaasi ku soo biiri Karin gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub.

Dalka Gariiga ayaa waxay sheegeen in magaca “Macedonia” uu yahay mid uu dalkaasi ku damacsan yahay in ay ku doodaan gobolka ku yaalla wuqooyiga Gariiga oo lagu magacaabo Macedonia.

Gariiga ayaa soo jeediyay in dalkan loo bixiyo magac sida “Skopje” oo ah caasimada Macedonia.

Macedonia, ayaa dhankooda waxa ay ku doodayaan in ay xaq u leeyihiin in ay raadiyaan dadkoodii asalka ahaa ee boqortooyadii Macedon,oo uu mar xukumi jiray Alexander the Great -islamarkana magaca”Macedonia”uu yahay midka ugu haboon.

Haddaba markii Nimetz uu bilaabay shaqadiisa ah xal u helida arrintan ayaa waxa uu ahaa ergaygii madaxwayne Bill Clinton u qaabilsanaa xalinta muranka.

Balse laga soo bilaabo 1999 Matthew Nimetz waxa uu ahaa ergayga qaramada midoobe u qaabilsan sidii xal looga gaari lahaa magaca Macedonia.

Matthew Nimetz ayaa sheegay in mudadaasi dhan 26 sano uu ka fikirayay hal magac oo ah Macedonia.

Qaramada Midoobay ayaa aqbashay in Macedonia loogu yeedho ‘jamhuuriyada Yuquslaafiyadii hore ee Macedonia (FYROM) balse arrintaasi ma ahayn xal waara’ waxa ayna abuurtay muran cusub. Matthew isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waa magac jumla ahaan xitaa adag,”

Matthew Nimetz ayaa sheegay in mar waliba oo dawlad cusub ay xilka qabato ay rajado ahayd mid wanaagsan balse taasi aysan xal keenin.

bandhige@gmail.com