Ninkii CIA u waraystay Saddam Xuseen markii la qabtay

Markii gacanta lagu dhigay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen 2003, waaxda sirdoonka Maraykan ee CIA waxay u baahatay khabiir haybtiisa xaqiijin kara oo su’aalo weydiin kara si xog looga helo. Qofkaas wuxuu ahaa John Nixon.

Nixon wuxuu darsayey Saddaam tan iyo markii uu CIA ku biiray 1998. Kaalintiisa ayaa ahayd in uu xog waafi ah ka ururiyo hoggaamiyeyaasha dunida, oo uu taxliiliyo waxa madaxdaas adkaynaya, wuxuuna uga warramay barnaamijka BBC ee BBC’s Victoria Derbyshire programme.

Wuxuu joogay Ciraaq markii hoggaamiyaha xukunka laga tuuray laga helay god ku ag yaallay beer ku tiillay magaaladii uu ka soo jeeday ee Tikrit.

Markii ay akhbaartaas timid, Maraykanku wuxuu u baahday in uu isaga xaqiijiyo haybtiisa.

Waxaa jiray warar la isla dhex marayey xilligaas oo ah in Saddaam uu isbeddel xagga jidhka ah ku dhacay, laakin Nixon oo CIA ka tegey 2011 wuxuu yidhi:

โ€œShaki igama uu galin in uu isaga yahay markii aan arkay.”

Waxa kale oo intaa ku daray:

“Markii aan hadalka ku billaabay wuxuu ii eegay sidii aan muuqaalkiisa ku arkay bug kiisa ah oo miiska xafiiska muddo sanooyin ah ii saarnaa.”

Nixon wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee waraysi dheer oo maalmo qaatay la yeesha Saddaam. Wuxuu qoray bug la magac baxay Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein.

Wuxuu sheegay in dhinaca insaannimada ee uu ka arkay Saddaam uu aad uga soo horjeeday sawirkii ay warbaahinta Maraykanku ka bixiyeen, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Wuxuu ka mid ahaa dadka shaqsiyadoodu soo jiidashada leedahay ee aan la kulmay.”

Wuxuuse intaa ku daray inuu mararka qaar isku beddelayey qabiix kibir badan oo dabeecad xun.

โ€œSu’aal kasta oo aan weydiiyo, mid kale ayuu iigu beddelayey.”

Arrinta ugu muhiimsan oo uu wax ka weydiinayey ayaa ahayd hubka aadka wax u gumaada, taas oo ahayd sababta ugu weyn ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay dagaalka ula galeen.

Nixon wuxuu sheegay in uu ka qajilo wixii Ciraaq ka dhacay tan iyo wixii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray Saddaam Xuseen.

Wuxuu sheegay in maamulkii Bush uusan wax fiiro ah siinin waxa iman kara marka Saddaam meesha laga saaro. Dhanka soo shaac bixidda kooxaha xagjirka ah, sida kooxda loogu yeedho dawladda Islaamiga, ayuu sheegay in uu rumaysan yahay in Ciraaq ay wanaagsanaan lahayd haddii uu Saddaam sii joogi lahaa.

Hadalka caynkaas ah waxaa ku gacan saydhay Raysal-wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair oo dalka hoggaaminayey wakhtigii duullaanka lagu qaaday Ciraaq.

bandhige@gmail.com